Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha amaanka oo ansixiyey hawgalka cusub nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Somaliya
    Vassily Nebenzia, Permanent Representative of the Russian Federation to the United Nations and President of the Security Council for the month of September, chairs the Security Council meeting on the situation in Libya at the UN Headquarters in New York City, New York, September 4, 2019. (Photo by EuropaNewswire/Gado/Getty Images)
    Somalia

    Golaha amaanka oo ansixiyey hawgalka cusub nabad ilaalinta Midowga Afrika Ee Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 1, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod la isku raacay ku ansixiyey hawgalka cusub ee nabad ilaalinta Midawga Afrika ee Somaliya, ee loosoo gaabiyo ATMIS, oo bedelaya hawlgalka Midawga Afrika ee haatan ee AMISOM.

    Qaraarka lagu meelmariyey hawlgalkan cusub ayaa lagu xusay in si aayar-aayar ah loo dhimo shaqaalaha hawlgalka oo haatan ah illaa 20,000 oo isugu jira militari, boolis iyo shaqaale rayid ah, ilaa la gaarsiyo eber sannadka 2024.

    Hawlgalkan cusub ee ATMIS oo bedelaya hawlgalka AMISOM oo wakhtigiisu ku ekaa Khamiistii shalay ahayd, ayaa ka shaqayn doona inuu u diyaariyo laamaha ammaanka ee Soomaaliya inay la wareegaan masuuliyadda amniga dalka, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP.

    Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo bishan hayey xilka madaxweynaha golaha ammaanka ee wareega ayaa ku dhawaaqday in qaraarkan la meermariyey, ka dib bilo badan oo la soo yeeshay wadahadalo wax ku ool ah.

    Bilawgii bishii hore, ayaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu taageeray sii socoshada hawlgalkan, isaga oo ku taliyey in hawsha dhimista loo qaybiyo illaa afar weji.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.