Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamadda Sare Ee Kenya oo Diiday qorshihii waxka badalka Dastuurka Ee Uhuru riixayay
    Somalia

    Maxkamadda Sare Ee Kenya oo Diiday qorshihii waxka badalka Dastuurka Ee Uhuru riixayay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 1, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda sare ee dalka Kenya,ayaa is-hortaagtay hindisahan isbedelka loogu samaynayey dastuurka oo uu horkacayey Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

    Lix ka mida Toddobada Garsoore ee Maxkamadda sare,ayaa sheegay, in isbeddelada lagu samaynayo dastuurka dalkaasi ay ka yimaadaan muwaadiniinta caadiga ah, hase ahaatee aanay ahayn inay yimaaadaan Madaxweynaha.

    Ka dib doorashadii sida weyn loogu tartamay ee kala qaybisay dalkaas ee sannadkii 2017, Madaxweynaha xilka haya ee Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa soo bandhigay, qorshe ay ugu magacdareen “Hindisaha isu-keenidda bulshada”. Hindisahan ayay ku jiraan qodobo ay ka mid yihiin in la hirgeliyo Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo joogto ah iyo 70 deegaan doorasho.

    Labada hoggaamiye ayaa sheegay in xilal siyaasadeed oo la abuuro ay qayb ka noqon karayso in xal loo helo rabshadaha aafeeyey doorashooyinka dalka Kenya.

    Hase ahaatee, Maxkamadda sare ee dalkaas ayaa is hortaagtay qorshahaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Martha Koome,ayaa akhriday qaraarka maxkamadda ayaa sheegtay inaan madaxweynuhu awood u lahayn inuu bilaabo hindisaha wax ka bedelka dastuurka, isla markaana ay maxkamaddu laashay.

    Maxkamadda sare,ayaa taageertay laba go’aan oo ay hore u soo saareen maxkamadaha hoose, maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare, kuwaas oo hindisahan ku sheegay inuu yahay mid qayral dastuuri ah.

    Raila Odinga,ayaa soo noqday Ra’iisal Wasaare, ka dib heshiiskii awood qaybsiga ee lagu soo afjaray, rabshadihii ka dhashay doorashadii 2007, hase ahatee xilka xafiiska Ra’iisal wasaaraha aya Meesha laga saaray sannadkii 2012, ka dib afti la qaaday.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.