Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Yemen oo heshiis Xabbad-joojin ah laga gaaray
    Somalia

    Dagaalka Yemen oo heshiis Xabbad-joojin ah laga gaaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 2, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kooxaha ku dagaalamaya dalka Yemen ayaa markii ugu horraysay muddo toddoba sano ah ku heshiiyey xabbad-joojin dalka oo dhan ah oo soconaysa muddo laba bilood ah, taas oo la filayo inay horseeddo in xoogaga Xuutiyiintu inay awood u yeeshaan inay la soo degaan shidaal iyo inay bilaabmi karaan duulimaadyadii tegi jiray caasimadda dalka Yemen ee Sanca, sida uu sheegay ergeyga Qaramada Midoobay.

    Dhexdhexaadinta ay Qaramada Midoobay ka dhex waddo isbahaysiga Sucuudigu hoggaamiyo iyo kooxda Xuutiyiinta ee garabsaarka la leh dalka Iran, ayaa ah tallaabadii ugu mudnayd ee loo qaaday, in xal waara laga gaadho colaadda dalka Yemen, oo ay ku nafwaayeen tobanaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku keentay macaluul daran, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Ergeyga Qaramada Midoobay Hans Grundberg ayaa sheegay in heshiiska xabbadjoojinta ee soconaya muddada labada bilood ahi, inuu dhaqan gelayo maalinta Sabtida, saacaddu marka ay tahay 7 fiidnimo wakhtiga dalka Yemen, waxaana suurtogal ah in la sii cusboonaysiiyo haddii dhinacyadu ay ku heshiiyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.