Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Somaliya oo laga dalbaday in ay joojiso Dilka Qisaasta ah
    Somalia

    Somaliya oo laga dalbaday in ay joojiso Dilka Qisaasta ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 3, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Khabiirka Madaxa-bannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu baaqday xukuumadda Soomaaliya inay si deg deg ah u joojiso dhammaan xukunada dilka ah.

    Isha ayaa baaqan jeedisay kadib markii ay booqash ku bixisay Soomaaliya 28-kii Maarsho ilaa 2-dii April, taasi oo ay ugu kuurgashay xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.

    Khabiirka ayaa dhaliishay sida loola dhaqmo iyo xaaladaha ka jira jeelasha Soomaaliya, kuwaasi oo ay sheegtay “inay aad uga hooseeyaan heerka caalamiga ah.”

    “Xabsiyadu aad bay u buux dhaafiyeen dadka waawayn iyo kuwa aan qaan-gaarin ee la xirxirey mar walbana lama kala saaro. Waxaa ka sii daran, ciqaabta dilku waa ciqaab sharci ah joojinta isticmaalkeeduna ma jiro. Waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda inay joojiso dhammaan xukunnada dilka ah, isla markaana la dhaqangeliyo hakin KMG ah oo ku saabsan xukunka dilka ah, taasoo ah tallaabada ugu horreeysa ee lagu tirtirayo ciqaabka dilka ah,” ayey tiri Isha Dyfan

    “In kasta oo caqabadahaasi ay aad u baaxad wayn yihiin, haddana dowladdu waxay xoojisay qaab-dhismeedkeeda hab-dhaqaneed iyo midka hay’addeed si wax looga qabto horumarinta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan dhinaca sarreeynta sharciga iyo maamulka caddaaladda,” ayey tiri.

    Isha Dyfan ayaa sidoo kale ugu baaqday Xukuumadda Soomaaliya inay horumariso dedaallada lagu ciribtirayo guurka carruurta, kan degdega ah iyo guurka khasabka ah iyo ilaalinta xuquuqda gabdhaha meelaha jilicsan.

    Waxay sidoo kale dhaliishay heerka ilaalinta xoriyadda hadalka ee Soomaaliya iyo xarigga ka dhanka ah ah suxufiyiinta.

    “Xuquuqda xoriyatul qawlka iyo ra’yigu waxay lama huraan u tahay dimoqraadiyad kasta oo shaqaynaysa. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira walaac laga qabo xarigga aan loo meel dayin iyo xarigga saxafiyiinta ay ku hayaan ciidamada ammaanka ee dalka oo dhan,” ayey tiri.

    “Waxaan jeclaan lahaa inaan ku celiyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo xaqa xorriyadda hadalka iyo ra’yiga. Waxaan ku talinayaa in shuruucda iyo siyaasadaha, madmadowgooda loo adeegsaday in dembi looga dhigo shaqadooda sharciga ah, in dib loo eego iyadoo la eegayo in la keeno nuxurka iyo fulinta si waafaqsan mabda’a sharciga iyo halbeegyada kale ee xuquuqul insaanka caalamiga ah.”

    Khabiirka Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Xuquuqul Insaanka ee Soomaaliya Marwo Isha Dyfan ayaa ugu dambeyn ugu baaqday beesha beesha caalamka inaysan ka daalin taageeradooda, ilaa marxaladda ugu dambeysa ee ay xasilloonidu noqonayso mid dhab ahaan uga jirta Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.