Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ra’isul Wasaare Imran Khan oo ka badbaaday mooshin xil ka-qaadis ah
    Somalia

    Ra’isul Wasaare Imran Khan oo ka badbaaday mooshin xil ka-qaadis ah

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 3, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’isul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa Axadda maanta ah ka badbaaday tallabo lagu doonayey in xilka looga tuuro, kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu hor istaagay mooshin kalsooni kala noqosho ah oo uu ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

    Inkasta oo uu badbaaday, hadana jihada Khan weli cadda, iyadoo mooshinkan uu horseeday xasillooni darro siyaasadeed oo cusub oo ka dhacda waddanka heysta hubka nukliyeerka ah ee 220-ka milyan oo qof ah.

    Mucaaradka ayaa isla markiiba wacad ku maray inay kahortagayaan horistaagga codbixinta, oo uu sameeyay xubin ka tirsan xisbiga Ra’iisul Wasaaraha, halka Khan uu kula taliyay madaxweynaha dalka inuu kala diro Baarlamaanka, isagoo dadka Pakistan u soo jeediyay inay u diyaar garoobaan doorashooyin cusub.

    “Waxaan talo ugu soo jeediyay madaxweynaha in uu kala diro goleyaasha,” ayuu yiri Khan oo khudbad ka jeedinayay telefishinka, laakiin Bilawal Bhutto Zardari oo ah madaxa xisbiga mucaaradka ah ee Pakistan People’s Party (PPP) ayaa ballan qaaday in ay fadhi ku yeelan doonaan xarunta baarlamaanka, isagoo saxaafada u sheegay inay dacwad u gudbin doonaan maxkamadda sare.

    Mucaaradka ayaa Ra’isul Wasaare Khan ku eedeynaya inuu ku guul dareystay soo nooleynta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

    Waxa uu sheegay Khan, isaga oo aan soo qaadan wax caddeymo ah in tillaabada xilka looga tuurayo ay ka dambeeyeen Mareykanka, hadalkaas oo ay Washington hore u beenisay.

    Ma jiro Ra’iisul Wasaare dhammeystay muddo xileedkiisa shanta sano ah tan iyo markii Pakistan ay xornimada ka qaadatay Britain sannadkii 1947-kii, waxaana dhowr jeer oo hore soo maamulay Pakistan Jeneraallo, kuwaas oo sannad walba khilaaf xooggan kala dhexeeyay waddanka ay deriska yihiin ee Hindiya oo ku hubeysan hubka Nukliyeerka.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.