Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dagaalka Ukrain oo la saadaaliyay in uu mudo sii socon karo
    Somalia

    Dagaalka Ukrain oo la saadaaliyay in uu mudo sii socon karo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sarkaalka ugu sarreeya ciidamada Maraykanka ayaa ka digaya in dagaalka Ukraine ay u badantahay inuu socdo muddo sanado ah, taasoo kor u qaadaysa walaaca ah in dunidu ay noqoto mid aan xasilloonayn iyo suurtagalnimada isku dhac caalami ah oo u dhexeeya quwadaha waaweyn.

    Intii lagu guda jiray dhageysiga Guddiga Adeegga Ciidmada Qalabka sida ee Golaha Congresska Talaadadii, ayaa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Maraykanka General Mark Milley uu sheegay in duulaanka Ruushka ee Ukraine uu yahay “khatarta ugu weyn ee nabadda iyo amniga Yurub, iyo addunkaba” ee uu arko muddadii 42 sano aheyd ee uu xirnaa tuutaha ciidanka Maraykanka.

    “Waxaan u baahanahay inaan raacno istaraatiijiyad cad, inaga oo ilaalinayna nabadda, lehna awood aan mugdi ku jirin oo xoog ah marka loo bar-bardhigo Shiinaha ama Ruushka” ayuu yiri General Milley, isaga oo ula jeeday labada khatarood ee militari ee ugu sarreeya ee Maraykanku wajihi karo.

    Mar ay xunbaha Congress-ku ay waydiiyeen waxa ka joojin karay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin in uu weeraro Ukraine, ayuu Milley sheegay in difaaca kaliya ee suurtogalka ah uu noqon kari lahaa in ciidamada Maraykanka la geliyo gudaha Ukraine, taas oo uu sheegay in aanu ku talin laheyn sababo la xiriira halista isku dhac hubaysan oo lala galo Ruushka.

    “Si daacad ah, marka laga reebo ballanqaadkii ciidamada Mareykanka ee Ukraine, ma hubo in isaga (Putin) uu ahaa mid laga cabsado. Tani waxa ay ahayd ujeeddo fog oo uu lahaa sannado badan,” ayuu yiri General Milley.

    Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa isna intaa ku daray in dalabaadka Ruushka, oo ay ku jiraan in Ukraine laga mamnuuco inay gasho NATO iyo in la xaddido in NATO ay geyso ciidamadeeda iyo hubkeeda dhanka bari, ay yihiin kuwa aan la aqbali karin.

    Austin yo Milley waxay xaqiijiyeen in ciidamada Maraykanku aysan ku tababarin ciidamada Ukraine gudaha Ukrain ama Poland oo deris la ah, laakiin ay ku tababarayeen meel ka baxsan Ukraine oo uu ku jiro gudaha Mareykanka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.