Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweynihii hore Ee Burkina-faso oo Xabsi Daa’in lagu xukumay
    Somalia

    Madaxweynihii hore Ee Burkina-faso oo Xabsi Daa’in lagu xukumay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamad Militari oo ku taalla dalka Burkina Faso ayaa maanta Xabsi daa’in ugu xukuntay madaxweynihii hore ee dalkaas Blaise Compaore dilkii 1987-kii ee hoggaamiyihii hore ee dalkaas Thomas Sankara.

    Sacab xooggan ayaa is-qabsaday gudaha maxkamadda kadib markii la aqriyey xukunka muddada la sugayey, taasi oo soo geba-gebeysay kiis soo jiitamayey 34 sano.

    Maxkamadda ayaa sidoo kale xabsi daa’in ku xukuntay Hyacinthe Kafando, oo ah sarkaal la tuhunsan yahay inuu hogaamiyey kooxdii dilka fulisay, iyo Jeneraal Gilbert Diendere oo ahaa taliye ciidan xilligii khaarijinta, oo la kowsaday afgambi uu xukunka ku qabsaday Compaore.

    Compaore, oo dibad-joog ku ah dalka Ivory Coast kadib markii kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray 2014, iyo Kafando oo baxsad ahaa tan iyo 2016, ayaa la maxkamadeeyey ayaga oo maqaneyaal ah.

    Maxkamadda oo socotay lix bilood ayaa waxaa si aad ah isha ugu hayey dad badan oo ku nool dalka aan badda laheyn ee ku yaalla gobolka Sahel, halkaasi oo dilkii Sankara ay ka tahay dhibic madow oo ku taalla taariikhda dalka.

    Sankara oo aad u aaminsana falsafadda Marxist-Leninist, islamarkaana aad ugu dhaleeceyn jiray Reer Galbeed gumeysi cusub iyo laba wajiilenimo, ayaa toogasho lagu dilay 15-kii October 1987-kii, wax yar un ka badan afar sano markii uu xukunka yimid isagoo ah kabtan ciidan oo 33 jir ah.

    Isaga iyo 12 saaxiibadiis ahaa ayaa waxaa koox hubeysan ayaga oo ku sugan xarunta Golihii Kacaanka Qaranka ee xukunka hayey.
    Geerida Sankara oo aaminsanaa siyaasadda bidixda ayaa dhaawac ku aheyd xukunkii Compaore ee 27-ka sano.

    Maxkamadda oo ku taalla magaalada caasimadda ah ee Ouagadougou ayaa Compaore, Kafando iyo Diendere dhammaantood ku heshay dambi ah inay dhaawaceen amniga dalka.

    Compaore iyo Diendere ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah inay wax ka ogaayeen dilka, halka Kafando lagu helay dambi ah inuu fuliyey dilka.
    Xukunkada lagu riday ayaa ka badan intii ay codsadeen dacwad-oogayaasha militari.

    Waxay doonayeen in Compaore iyo Kafando lagu xukumo mid 30 sano, halka ay 20 sano u raadiyeen Diendere, oo hadda uu u socdo xabsi kale oo 20 sano ah oo uu ku muteystay isku day afgambi oo uu sameeyey 2015-kii.

    Sideed eedeysanayaal kale ayaa lagu riday xukunno u dhaxeeya saddex illaa 20 sano, halka saddex eedeysane lagu waayey wax dambi ah.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.