Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gabdhihii Putin oo cunaqabatayn lala beegsaday
    Somalia

    Gabdhihii Putin oo cunaqabatayn lala beegsaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 7, 2022No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa mar walba ka fiirsada marka ay timaaddo su’aalaha ku saabsan qoyskiisa.

    Sanadkii 2015, mar uu qabanayay shir jaraa’id, wuxuu ka gaabsaday su’aal ku saabsaneyd xogta gabdhihiisa.

    “Gabdhaheyga waxay ku nool yihiin Ruushka waxayna keliya wax ku barteen Ruushka, waan ku faanaa,” ayuu yiri. “Saddex luqadood ayay si fiican ugu hadlaan. Weligey cidna qoyskeyga kalama hadlin.”

    “Qof walba xaq ayuu u leeyahay wuxuu mudan doono, noloshooda gaarka ah ayay ku nool yihiin si sharaf leh ayayna ugu nool yihiin,” ayuu intaas raaciyay.

    Waxaa laga yaabaa inuusan dooneyn inuu magacaabo, balse meelaha kale ayaa magacyadooda lagu soo qaataa. Wareeggii ugu dambeeyay ee cunaqabateynta Mareykanka ayaa waxaa lagu beegsaday Maria Vorontsova, oo 36 jir ah, iyo Katerina Tikhonova, oo 35 jir ah.

    “Waxaan aaminsannahay in in badan oo hantida Putin ka mid ah ay ku hoos duugan tahay xubnaha qoyskiisa, taasina waa sababta aan u beegsaneyno,” ayuu yiri sarkaal Mareykanka u hadlay.

    Iyadoo xog yar uun laga ogyahay nolosha qoyska Putin, dokumentiyada, wararka warbaahinta iyo mararka qaar oo ay blshada ka soo dhex muuqdaan ayaa ku filan in xoogaa sawir ah laga qaato nolosha labadan gabdhood.

    Labadan waa gabdhaha Madaxweyne Putin iyo xaaskiisii hore Lyudmila. Waxay Putin iyo xaaskiisii hore is guursadeen sanadkii 1983 markaas oo ay diyaarad ka shaqeyneysay. Waxay is qabeen 30 sano, muddadii uu Putin ku sii xoogeysanayay siyaasadda Ruushka.

    Sanadkii 2013, way kala tageen. Mr Putin ayaa yiri “wuxuu ahaa go’aan wada jir ah: inta badan isma aragno, midkeenba nolol u gaar ah ayuu leeyahay”. Waxay sheegtay inay “gebi ahaanba shaqadu jiidatay”.

    Gabadha ugu weyn, Maria Vorontsova, waxay dhalatay sanadkii 1985. Waxay cilmiga baayolojiga ka baratay Jaamacadda St Petersburg University iyadoo maaddada daawadana ka baratay Jaamacadda Moscow State University.

    Mrs Vorontsova haddawaa aqoonyahannad. Waxay wax ka qortay buug ka hadlaya koboca carruurta, waxayna ku jirtaa liiska baarayaasha Xarunta Baaritaanka Endocrinology ee Moscow.

    Sidoo kale waa ganacsato. BBC Russia ayaa ogaatay inay wax ka leedahay shirkad qorsheyneysa inay dhisto xarun weyn oo caafimaad.

    Mrs Vorontsova waxaa qaba ganacsadaha Holland u dhashay ee Jorrit Joost Faassen, oo mar ka shaqeyn jiray shirkadda tamarta Ruushka ee Gazprom, inkastoo la sheegay inaysan haatan wada nooleyn.

    Dadka la hadlay tan iyo intii uu billowday dagaalka Ukraine ayaa sheegay inay taageerto aabbaheed, ayna shaki ka qabto qaabka ay dunidu u tebineyso dagaalka.

    Marka loo barbardhigo walaasheed Katerina Tikhonova ayaa in badan lagu arkaa bulshada dhexdeeda sababtoo ah waxaa lagu yaqaan cayaaraha qoob ka cayaarka. Iyada iyo saaxiibkeed ayaa kaalinta shanaad ka galay munaasabad caalami ah oo la qabtay sanadkii 2013.

    Isla sanadkaas, waxay is guursadeen Kirill Shamalov, wiilka ninka ay saaxiibka muddada dheer yihiin Madaxweyne Putin. Arooskooda oo mid gaar loo soo abaabulay ahaa wuxuu ka dhacay meel u dhow St Petersburg.

    Mareykanka ayaa sanadkii 2018 cunaqabateyn ku soo rogay Mr Shamalov sababo la xiriira doorka uu ku lahaa waaxda tamarta Ruushka. Waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in “hantidiisa ay aad u korortay kaddib guurkiisa”. Lammaanahan ayaa kaddib kala tegay.

    Kaddib duullaanka Ruushka ee Ukraine, labo qof oo u dooda xuquuqda aadanaha una dhashay Ruushka ayaa la xiray sababo la xiriira inay galeen dhisme ku yaalla magaalada Biarritzoo la sheegay inuu leeyahay Mr Shamalov.

    Ms Tikhonova haatan waa ganacsato. Wax yar ayay warbaahinta Ruushka ka soo muuqatay sanadkii 2018 iyadoo ka hadleysay teknolojiyadda neerfaha iyo sidoo kale madal ganacsi sanadkii hore. Midna laguma soo qaadin xiriirkeeda madaxweynaha.

    Labadan gabdhood middoodna lama sheegin inay waqti badan la qaataan Madaxweyne Putin.

    Mr Putin ayaa sidoo kale waxaa jira carruur uu awoowe u yahay. Wuxuu ku soo qaaday mar uu telefoon ku hadlayay sanadkii 2017, balse ma uusan sheegin inta ay yihiin iyo gabdhihiisa midda dhashay.

    “Marka laga hadlayo carruurta aan awoowaha u ahay, mid iskuulka xannaanada ayuuba dhigtaa. Fadlan fahma, ma doonayo inay u koraan sida amiirrada boqortooyada oo kale. Waxaan doonayaa inay u koraan sida dadka caadiga ah,” ayuu yiri.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.