Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay magaalada Srael
    Somalia

    Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay magaalada Srael

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 8, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin aan heybtiisa weli la shaacin uu Khamiistii rasaas ku furay baar ku yaal bartamaha magaalada Tel Aviv ee Israel.

    Lix qof oo ay soo gaareen dhaawacyo halis ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay sheegtay waaxda adeegga ambalaasta ee Magen David Adom, taas oo sidoo kale sheegtay inay soo gaareen warbixinno la xiriira in weerarradu ay ka dhaceen dhowr meelo oo faras-magaalaha ah.

    “Ilaa hadda, 10 qof oo dhaawac ah ayaa soo gaaray qolka dhaawacyada ee isbitaalka Ichilov. Laakiin nasiib darro, inkasta oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen dadaal, laba ka mid ah dhaawacyada ayaa dhintay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay Isbitaalka.

    Muuqaallo toos ah oo laga soo duubay weerarka kadib ayaa muujinayay ciidamo boolis ah oo goobta gaaray oo qoryahooda ku fiiqaya dabaqyada sare ee dhismeyaasha, waxaana boolisku sheegay in shakigu yahay in hal qof uu geystay weerarkan, haatanna uu baxsad yahay.

    “Argagixiso ayaa rasaata furtay, wax yar kadibna lug ayay ku carareen, dhowr qof ayaa ku dhaawacmay,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Eli Levy oo la hadlayay TV-ga Channel 13.

    Saacado ka dib weerarkan, boqollaal ka tirsan ciidamada booliska Israa’iil iyo ciidamada gaarka ah ayaa baarayay xaafadaha bartamaha Tel Aviv, si ay u soo qabtaan ninka looga shakisan yahay toogashadan.

    Sababta ka dambeysay weerarkan ma cadda, hase yeeshee xiisad ayaa ka taagan Israa’iil kadib weeraro dhowr ah oo ay dhawaan geysteen Falastiiniyiinta oo ay ku dhinteen 11 qof.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.