Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacuudiga oo oggolaaday in hal-Milyan oo Qof ay sanadkan xajjiyaan
    Somalia

    Sacuudiga oo oggolaaday in hal-Milyan oo Qof ay sanadkan xajjiyaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 9, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sacuudi Carabiya ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in ay u oggolaan doonto hal milyan oo Muslimiin ah oo ka kala imanaya gudaha dalkaasi iyo dibaddiisaba in ay gutaan xajka sanadkan, waana sare u kac weyn ka dib markii xannibaado loo soo rogay xakameynta Covid-19 ay muddo laba sano ah aad u dhintay tirada xujeyda.

    Tallaabadan, oo ka hooseesaysa in dib xajka loogu celiyo sidii uu ahaan jiray, ayaa raja gelineysa Muslimiin badan oo ku nool daafaha caalamka kuwaasi oo tan iyo 2019-kii ay mamnuuc ka ahayd in ay u safraan Sacuudiga si ay xajiyaan.

    Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka ayaa waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo awooda in uu inta uu nool yahay mar xajiyo. Caadiyan waa mid ka mid ah kulan diimeedyada ugu ballaaran dunida iyadoo ay 2019-kii ka qeybgaleen 2.5 milyan oo qof (laba milyan iyo shan boqol oo qof).

    Laakin ka dib markii uu cudurka COVID-19 dillaacay sanadkii 2020-kii ayay dowladda Sacuudigu oggolaatay kaliya kun (1,000) xujeey ah in ay gutaan.

    Sanadkii xigayna, waxa ay oggolaatay in ay xajjiyaan ilaa lixdan kun (60,000) oo xujey ah oo dhameystay tallaalka COVID-19 kuwaasi oo isugu jira muwaadiniinta Sacuudiga iyo dadka deggan dalkaasi iyagoo lagu soo xulayay qaab bakhtiyaanasiib ah.

    Sanadkan ayay wasaaradda arrimaha Xajka ee Sacuudigu sheegtay in “ay oggolaatay in hal milyan oo xujeey ah oo ka kala imanaya gudaha iyo dibadda ay gudan karaan Xakja,” sida ay wasaaraddu ku sheegtay bayaanka ay soo saartay Sabtida maanta ah.

    Xajka oo bilaabanaya bisha July ayaa lagu koobay oo qur ah in ay ka qeybgalaan dadka qaatay tallaalka COVID-19 ee da’doodu ka hooseyso 65 jir, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

    Xujeyda ka imanaysa dalalka kale waa in ay dalbadaan fiisaha dalku galka Sacuudi Carabiya iyadoo sidoo kale sanadkan laga doonayaa in ay soo gudbiyaan natiijada COVID-19 (PCR) oo sheegaysa in aanu qofku qabin cudurka, waana in baarista lagu sameeyay 72 saacadood gudahooda inta aanu safrin.

    Falcelinta ka timid go’aanka ayaa inta badan ahayd mid togan iyadoo dadku ay ku muujinayeen baraha bulshada, inkastoo dadka qaar ee Twitter-ka isticmaala ay dhaleeceeynayeen in da’ lagu saleeyo xujeyda sanadkan.

    “Waa war aad u wanaagsan, laakiin in la soo rogo xayiraad ku saleysan da’da ayaa qalbi jab ku ah dad badan oo da’da ah oo doonayay in ay xajiyaan” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Twitter-ka uga falceliyay go’aanka ka soo baxay Sacuudiga.

    Kuwo kale ayaa walaac ka muujiyay waxa ku dhici doona xujeyda bixiyay qarashka uga baxaya safarka ay ku tagayaan magaalada Makka, laakin uu qorshahaasi baaqdo waa haddii tijaabada COVID-19 ay sheegto in qofku uu qabo cudurka.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.