Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muhaajiriinta iska dhiiba UK oo hadda kadib la gaynayo Rwanda
    Somalia

    Muhaajiriinta iska dhiiba UK oo hadda kadib la gaynayo Rwanda

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 14, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Britain ayaa la filayaa inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah ee kasoo gudba marin biyoodka u dhexeeya dalkaas iyo France ee loo yaqaan The Channel u dirto dalka Rwanda, sida lagu sheegay heshiis muran badan oo lagu dhaowaaqay Khamiista maanta ah.

    Tallaabadan ayaa qeyb ah isku day ay dowladda ku dooneyso inay ku yareyso tirada dadka badan ee soo sameeya safarkan silica badan.

    Qorshahan ayaa durba horseeday carada siyaasiyiinta mucaaradka oo ku eedeeyey ra’iisul wasaare Boris Johnson inuu isku dayayo inuu dareenka dadka uga weeciyo in lagu ganaaxay inuu jebiyey xeerarka xayiraadaha Coronavirus, halka kooxaha xuquuqda aadanaha ay mashruuca ku qeexeen “mid aan bani’aadaminimino aheyn.”

    Johnson oo la filayo inuu goor dambe oo maanta ah soo bandhigo faah-faahinta qorshahan, ayaa sababihii loo doortay waxaa qeyb ka ahaa ballan-qaadkiisa la xiriira inuu wax ka qabanayo muhaajiriinta sharci-darrada ah, hase yeeshee waxaa intii uu xilka hayey sii kordhay dadka kasoo gudbaya marinka.

    Ghana iyo Rwanda ayaa horey loogu sheegay labada dal oo ay suurta-galka tahay in la geeyo dadka la celinayo inta kiisaskooda laga eegayo, hase yeeshee Ghana ayaa bishii Janaayo beenisay inay ku lug leedahay.

    Taas beddelkeeda, Kigali ayaa Khamiista maanta ah ku dhowaaqday inay heshiis malaayiin dollar ku kacaya ku gashay inay shaqadan qabato, intii lagu guda jiray booqasho ay halkaas ku tagtay xoghayaha arrimaha gudaha Britain Priti Patel.

    “Rwanda waxay soo dhoweyneysaa iskaashigan ay la sameysay UK si ay u marti-geliso dadka magan-galyo doonka ah iyo muhaajiriinta, una yaboohdo waddo sharci ah oo ay ku helaan deganaansho,” waxaa sidaas war-saxaafadeed ku yiri wasiirka arrimaha dibedda Rwanda, Vincent Biruta.

    Heshiiska Rwanda ayaa waxaa maal-gelinaya UK oo ku bixineysa $157 milyan, ayada oo dadka muhaajiriinta ah ee la gaynayo lagu dhex dari doono bulshooyinka dalkaas.

    “Tani waa in la xaqiijiyo in dadka la ilaaliyo, la xushmeeyo islamarkaana la xoojiyo hadafyadooda shaqsi, islamarkaana degenaansho joogto ah ay ka helaan Rwanda haddii ay doortaan,” ayuu yiri Biruta.

    Agaasimaha hay’adda Dhaqaaqa Qaxootiga ee Refugee Action Tim Naor Hilton ayaa dowladda ku eedeeyey “waxay mas’uuliyaddeeda u dhoofineysaa mid ka mid ah dalalkii ay gumeysan jirtay intii aan wixii inagaga aadan ka sameyn laheyn caawinta qaar ka mid ah dadka ugu baylahan dunida.”

    Xoghayaha caafimaadka Scotland Humza Yousaf ayaa sheegay in qorshahan uu muujinayo in dowladda Conservative-ka ay ku dhaqmeyso “nidaam cunsuri ah.”

    Dowladda “waxay magan galyo ay u qalmaan siineysaa qaxoootiga kasoo cararaya dagaalka Ukraine, balse waxay dooneysaa inay kuwa kale oo magan-galyo doon ah u dirto dalka Rwanda oo kumanaan mile naga fog, si halkaas kiisaskooda laguu eego,” ayuu Humza ku qoray twitter-ka.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.