Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay goโaanka guddiga doorashooyinka heer Federaalka ee lagu dardar galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in uu mar kale ku celinayo inaan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebaynin doorashooyinka guud ee dalka isla markana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.
Waxaa kale oo Madaxweynahu sheegay in mar walba ay muhiim tahay in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka isla markana aan meel kale oo gobolka ahayn aan loo rari Karin doorashada taasna ay qasabtay in laga wareejiyo Garbahaareey maadama ayna jirin kalsooni iyo xasilooni halkaas doorasho lagaga qaban karo iyo hayโado amni oo damaanad qaadi kara Nabadgalyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaas tagi lahaa.
Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland si looga faaโiidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.
Gaba gabadii Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dadweynaha ku nool Magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan Hayโadaha amniga Nabadgalyada deegaanka iyo soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.
                           DHAMMAAAD. 
									 
					