Waxaan u hambalyeeynaya xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS ee maanta la dhaariyay, waxaan Alle uga baryaya in uu u fududeeyo metelaada iyo masuuliyadda loo dhaariyay. Dhaarinta xildhibaanada labada Aqal waa billowga Hayโaddo sharciyad haysta oo bud-dhig u noqonaya Dowladnimada dalkeena.
Sidoo kale waxaan iyana hambalyo leeโahay Guddoonka ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanku yeesheen, Senator Maxamed Cali Yuusuf iyo Xildhibaan Cabdisalaam Xaaji Axmed Dhabancad, waxaan u rajeynaya in Alle u fududeeyo shaqada hortaalla oo ay ugu weyntahay diyaarinta doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.
Dalku in uu doorasho aado waxay ahayd masuuliyad wadareed ina wada saaran, waxaan boggaadinaya dadaalkii wadajirka ahaa ee ay sameeyeen Raโiisal wasaaraha XFS, Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah DFS, Labada heer ee Guddiyada Doorashada, Guddiga xallinta khilaafaadka, Ciidamada Amniga iyo Beesha Caalamka.
Hambalyo,
