Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sidee ufashilmay isku daygii carqaladaynta Fadhiga Wadajirka Ee Baarlamaanka ?
    Somalia

    Sidee ufashilmay isku daygii carqaladaynta Fadhiga Wadajirka Ee Baarlamaanka ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 18, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kulankii maanta ee labada gole ee baarlaamka Soomaaliya ayaa ku soo idlaaday buuq iyo in mudnayaasha qaar ay ku sigteen inay isu gacan qaadaan.

    Ujeedada kulanka maanta ayaa ahaa ansixinta isbedal lagu sameeyay xeer hoosaadka doorashada guddoonka labada aqal, doorashada madaxweynaha iyo jadwalka doorashada kuraastaas.

    Xildhibaannada ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay habraaca doorashada guddoonka baarlamaanka, kadibna waxaa la maqlay jug culus oo ahayd hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta baarlamaanka ee Villa Hargeysa.

    Ugu yaraan 7 ruux oo u badan askarta goobta ku sugnayd ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarka.

    Inta uu socday buuqa ayaa waxaa guddoonka baarlamaanka u tagay xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane oo laga soo doortay Galmudug, gaar ahaan degmada Balanbale.

    Kulane ayaa u muuqday mid diidan mudada uu soo bandhigay guddiga baarlamaanka u qaabilsan doorashada guddoonka, oo loo asteeyay in mida aqalka sare ay dhacdo 26-ka April, maalinta xigtana la doorto guddoonka golaha shacabka.

    Intii uu xildhibaan Cabdullahi Kulane la hadlayay guddoonka KMG ah ayaa waxaa sii garab istaagay oo ay hadal isla dhaafeen xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

    Waxaa la arkayay xildhibaan Cabdullahi Kulane oo ku xanaaqay Mahad, isla markaana ay labada mudane ku sigteen inay isu gacan qaadaan.

    Waxyar kadib waxaa dhinaca kale ee baarlamaanka ka soo kacay xildhibaan Cabdishakur Cali Mire oo si toos ah u abaaray Mahad Salaad. Lama maqli karin hadlada dhexmaray labada mudane, balse xaalkoodu waxa uu gaaray in la kala qabto.

    Mahad iyo Cabdishakur oo muddo siyaasadda Soomaaliya ku wada jiray, isla markaana ay deegaan doorashadoodu tahay Galmudug ayaan si rasmi ah uga hadal waxa ay isku hayeen.

    Waxaa xusid mudan in labadan xildhibaan oo ka wada tirsanaa baarlamaankii kan ka horreeyay ay kala taabacsan yihiin Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo mucaaradkiisa.

    Mahad Salad oo kulanka kadib qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in qorshaha xildhibaannada ka aragti duwan uu ahaa “isbaaro ay u dhigtaan doorashada guddoonka baarlamaanka”.

    Kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa laga dheehan karay kala qeybsanaanta sanadihii la soo dhaafay haraysay siyaasadda dalka.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.