Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wada hadaladii Sacuudiga iyo Iran oo dib ubilowday
    Somalia

    Wada hadaladii Sacuudiga iyo Iran oo dib ubilowday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalalka sida weyn isku haya ee Iran iyo Saudi Arabia ayaa magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq dib uga bilaabay wadahadallo la hakiyay bishii March, sida ay Sabtida maanta faafisay wakaaladda wararka Iran ee Nour News.

    Dhinaca Sacuudiga iyo Ciraaq ayaan wali xaqiijin in ay wadahadalladu dib u bilowdeen.

    Wakaaladda wararka ee Nour News oo hoos-tagta Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee dalkaasi ayaa warisay in kulamadii ugu danbeeyay ay muujinayaan rajjo wanaagsan oo ah in labada dal ay qaadaan tallaabooyin ay ku soo celinayaan xiriirkoodii. Wakaaladda ayaan sheegin halka uu ka qabsoomay wadahadalkan oo ah wareeggii shanaad.

    Riyadh ayaa 2016-kii jartay xiriirkii ay la laheyd Tehran ka dib markii bannaanbaxayaal reer Iran ah ay gudaha u galeen safaaradda Sacuudiga ee caasimadda dalkaasi, waxayna taasi daba socotay xukun dil ah oo uu Sacuudigu ku fuliyay wadaad Shiico ah.

    Iran ayaa hakisay wadadahadalkan oo lagu waday in uu qabsoomo bishii March mana aysan bixin wax sabab ah oo ku kallifay in ay qaadato goโ€™aankan oo ay gaartay waqtigii ay ahayd in uu wareegga cusub bilowdo.

    Tallaabadaasi ayaana ku soo aaday iyadoo Sacuudigu uu xukun dil ah ku fuliyay 81 qof, tiradii ugu badneyd ee halmar dil lagu fuliyo.

    Tehran ayaa canbaareysay dilkaasi oo ay dadka xuquuqda u doodaahi sheegeen in 41 ka mid ah dadka la dilay ay Shiico ahaayeen.

    Sacuudiga iyo Iran oo si weyn ugu loollama gobolka, ayaa wadahadalkan ay sanadkii hore bilaabeen ku doonaya in ay xiisadda ku qaboojiyaan.

    Saudi Arabia iyo Iran ayaa kala taageera kooxaha isaga soo horjeeda dagaallada gobolka iyo kuwa siyaasadda isku haya ee dalalka Syria, Lebanon, iyo Ciraaq, iyadoo Sacuudigu uu hoggaamiyo isbahaysi tan iyo 2015-kii dagaal ka wada Yemen kaasi oo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta ah ee taageerada ka hesha Iran.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.