Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Askar QowmiyadaTigreega kasoo jeeda oo magangalyo dalbaday
    Somalia

    Askar QowmiyadaTigreega kasoo jeeda oo magangalyo dalbaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    In ka badan 500 oo ka mid ah ciidamada Itoobiya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qowmiyadda Tigray ee ka mid ah ciidmada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ayaa diiday inay dalkooda dib ugu laabtaan, iyagoo u baqay ammaankooda, waxayna codsanayaan magangelyo siyaasadeed oo Suudaan laga siiyo.

    Ilaa sanadkii hore, ciidamada Itoobiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ku dhawaad 4,000 oo ciidan ah oo ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta ee Abyei (UNISFA), oo ah gobolka lagu muransan yahay ee xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Koonfurta Suudaan.

    Ciidamada Itoobiya ayaa lagu bedelay ciidamo caalami ah, iyadoo xiriirka Addis Ababa iyo Khartoum uu sii xumaanayo, kaasoo salka ku haya muran dhuleed iyo biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka waddo webiga Nile, kaasoo Suudaan ay ka cabsi qabto inuu khatar ku noqdo helitaanka biyaha.

    Inta badan ciidamada Itoobiya ayaa dib ugu laabtay dalkooda, balse qaarkood ayaa hadda codsaday magangalyo, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay afhayeen u hadlay nabad ilaalinta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York.

    “Tiro nabad ilaalin ah ayaa doortay inaysan laaban, waxayna raadinayaan ilaalin caalami ah, waxaa lagu ilaalinayaa meel ammaan ah oo ay leedahay Qaramada Midoobay” ,” ayuu yiri afhayeenku.

    “Mas’uuliyadda bixinta magangelyo waxay saaran tahay mas’uuliyiinta Suudaan oo ay ka caawinayso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ee qaabilaadda dadkaas.” ayuu raaciyay.

    528 askari oo Itoobiyaan ah oo kasoo jeeda Tigray-ga ayaa magangalyo ka codsaday Suudaan, sida uu sheegay Major Gebre Kidane, oo ka mid ahaa ciidamadii nabad ilaalinta– tiradaaas oo ay xaqiijiyeen laba saaxiibbadiis ah oo ay sidoo kale ay la xiriirtay AFP.

    “Ma ahan ammaan inaan ku laabanno Itoobiya, waxaana dooneynaa inaan noqonno codka dadka Tigrayga bulshada caamalka horteeda” ayuu 40-jirkan ayaa u sheegay AFP wareysi uu khadka taleefanka ku siiyay, isagoo sharraxayay go’aanka uu ku dalbaday magangalyo horraanta Maarso.

    AFP.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.