Raโiisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii uu magaalada Geneva uga qeyb galay shir looga hadlayay xaaladda abaaraha baโan ee dalka ka jira.
Raโiisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa caalamka ugu baaqay in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaarta la daalaa dhacaya.
Hayโadaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa shirka uga dhawaaqay dhaqaale badan oo lagu caawinayo dadka abaartu hayso ee dalaka Geeska Afrika iyo gaar ahaan Soomaaliya.
