Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Guddoonka golaha shacabka
    Somalia

    Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Guddoonka golaha shacabka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 27, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa weli hubanti la’aan ay ka taagan tahay qabsoomidda doorashada guddoonka golaha shacabka Soomaaliya oo qorshuhu yahay inay maanta dhacdo, ayada oo xiisad ay ka jirto magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Hoolka doorashada oo ah Teendhada Afisyoone ayaa waxaa gaaray qaar ka mid ah xildhibaanada, oo uu ku jiro guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, hase yeeshee xildhibaano badan ayaanay taas u suurta-gelin.

    Qaar ka mid ah xildhibaanada oo qoraallo soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidan boolis ah ay celiyeen, oo ay u gudbi waayeen xarunta, sidaas darteedna ay dib u laabteen.

    Guddoomiye Cabdisalaan Dhabancad, oo shir jaraaโ€™id ku qabtay gudaha Teendhada Afisyoone ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay yimaadaan, xarunta wuxuuna booliska ka codsaday inay soo fasaxaan.

    โ€œAniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdisalaan Dhabacad.

    Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka xildhibaan Cabdirsiaaq Cumar Maxamed oo dhinac taagnaa ayaa sheegay inay ka goโ€™an tahay in doorashada ay qabtaan maanta xitaa haddii ay caawa ku gaarto.

    Cabdirsiaaq ayaa intaas ku daray inay afur ugu diyaarinayaan xildhibaanada Teendhada Afisyoone, si haddii waqtigu dheeraado ee ay halkaas ugu afuraaan.

    Xildhibaanada ayaa si tartiib ah u gaaraya Teendhada Afisyoone, balse ma cadda illaa hadda tirada ku sugan halkaas iyo xilliga uu buuxsami doono kooramka, si kulanka u qabsoomo.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.