Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Doorashada ku xigeenada Gudoonka Golaha Shacabka oo bilaabanaysa goordhow
    Somalia

    Doorashada ku xigeenada Gudoonka Golaha Shacabka oo bilaabanaysa goordhow

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.April 28, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Doorashada guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ayaa lagu wadaa in maanta la dhammeystiro, iyada oo loo ballansan yahay in la qabto doorashada guddoomiye ku xigeennada Golaha Shacabka oo xalay dib loo dhigay, kaddib markii wakhti dambe ay noqotay, sida uu shaaciyay shir guddoonku.

    10 xildhibaan ayaa u tartamaya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, halka guddoomiye ku xigeenka 2-aadna a u sharraxan yihiin toddoba xildhibaan, sida ku cad jadawalkii guddiga doorashadu uu shaaciyay 22-kii bishan.

    Waxaa lagu wadaa in kal-fadhigan uu shir guddoomin doono Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo xalay loo doortay guddoomiyaha golaha Shacabka. “Ku-meel-gaarnimo dambe waa laga baxay” ayuu yiri Gudoomiyihii Ku meel-gaarka ah ee golaha shacabka Ambasador Cabdisalaan Liibaan Dhabancad markii ay dhammaantay codbixintu.

    Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa xalay loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaaryay 163, wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur, oo helay codad gaadhaya 89 cod.

    Wixii war ah ee kusoo kordha doorashooyinkan halkan ayaad kala socon doontaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.