Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yurub maka maarmi kartaa Gaaska Ruushka?
    Somalia

    Yurub maka maarmi kartaa Gaaska Ruushka?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 5, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxa Midayga Yurub Urzula von Der Leyen ayaa daaha ka qaadday tallaabooyin cusub oo lagu ciqaabayo dalka Ruushka, iyada oo ku dhawaaqday qorshayaal cusub oo lagu joojinayo iibka saliidda ceydhiin ee dalka Ruushka muddo lix bilood gudahood ah iyo in la joojiyo dhammaadka sannadkan, in dalalka Midawga Yurub ay shidaalka sifaysan ka soo iibsadaan dalka Ruushka.

    Cunaqabataynadan cusub ayaa u baahan in xubnaha Midawga Yurub ay si dhamaystiran isugu raacaan, si ay u dhaqan gasho.

    “Aan caddeeyo, ma fududaan doonto sababtoo ah qaar ka mid ah wadamada xubnaha ka ah Midawga Yurub waxay si xooggan ugu tiirsan yihiin saliidda dalka Ruushka, laakiin waa inaan si xikmadaysan arrintan u galnaa,” ayay Urzula Von der Leyen u sheegtay baarlamaanka Midawga Yurub.

    Waxay sheegtay in habka loo waajahayo arrintan inay u ogolaanayso xubnaha Midawga Yurub inay helaan meelo kale oo ay ka soo dejisan karaan saliidda si ay uga maarmaan ku tiirsanaanta saliidda iyo shidaalka dalka Ruushka, sidoo kale arrintani waxay saamayn ku yeelanaysaa suuqyada tamarta ee caalamiga ah.

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.