Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Weerar Toorey oo ka dhacay Tel-Aviv
    Somalia

    Weerar Toorey oo ka dhacay Tel-Aviv

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Labo nin oo falastiiniyiin ah ayaa weerar tooreey ku qaaday magaalo u dhow Tel Aviv xalay, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan saddex qof, afar kalena ay ku dhaawacmeen kahor inta aysan ku baxsan baabuur, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Israel.

    Ciidamada Booliska ayaa bilaabay baadigoob ay ku raadinayaan kooxihii dilka geystay, iyagoo jidgooyooyin dhigtay, waxaana baadigoobkooda qeyb ka ah diyaaradaha helicopter ah. Toogashadan oo ku soo beegantay maalinta xorriyadda Israa’iil, ayaa waxay ahayd tii ugu dambaysay ee weerarro dad badan lagu dilay oo toddobaadyadii la soo dhaafay ka dhacayay magaalooyinka Israa’iil.

    Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Falastiin ayaa sare u kacday maalmihii ugu dambeeyay, weerarrada Israa’iil, hawlgallo millatari oo ka socda Daanta Galbeed ee la haysto iyo rabshado ka dhacay Quddus, halkaas ah goobtan oo uu ku yaalo Masjidka Al-Aqsa oo horaantii Khamiistii ay ka dhaceen qalalaase hor leh.

    Alon Rizkan, oo ah dhakhtar ka tirsan adeegga samatabbixinta ee Israa’iil ee Magen David Adom, ayaa ku tilmaamay “wacitaan aad u adag” markii uu yimid Elad, oo ah magaalo u dhow Tel Aviv. Waxa uu sheegay in uu aqoonsaday saddex qof oo ku dhintay goobo kala duwan. Ugu yaraan afar kale ayaa ku dhaawacmay oo mid ka mid ah uu dhaawiciisu halis yahay, sida ay saraakiishu sheegeen.

    Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta ee ka taliya marinka Qaza ayaa bogaadiyay weerarkan, iayag oo la xiriiriyeen rabshadaja ka dhacay goobta barakeysan ee Qudus.

    Warbaahinta Israa’iil oo soo xiganaysa booliiska ayaa sheegtay in ay jiraan labo nin oo weerarka soo qaaday, waxaana xalay saqdii dhexe ay booliisku sheegeen in ay wali baadi goobayaan kooxihii weerarka geystay. Waxayna shacabka ugu baaqeen inay ka fogaadaan goobtaasi, ayna kusoo wargeliyaan gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.