Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maalqabaneedii Ruushka oo uguuray Wadanka Imaaraadka Carabta
    Somalia

    Maalqabaneedii Ruushka oo uguuray Wadanka Imaaraadka Carabta

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 6, 2022Updated:May 6, 2022No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa noqtay hoyga maal-qabeennada dalka Ruushka ee ka baxsanaya saameynta cunna-qabateynta reer Galbeedku ay ku beegsanayaan Ruushka sababo la xiriira dagaalka Ukraine.

    Tiro badan oo aan horay loo arag oo ah maalqabeenno iyo ganacsato u dhashay dalka Ruushka ayaa ku qulqulaya Imaaraadka Carabta sida ay BBC-da u sheegeen hoggaamiyeyaasha ganacsiga.

    Hantida ay iibsanayaan ganacsatada Ruushka ee Dubai ayaa sare u kacday 67% saddexdii bil ee u horreysay sanadkaan 2022, sida lagu sheegay warbixin la baahiyay. Imaaraadku wax cunaqabatayn ah kuma soo rogin Ruushka mana dhaleecayn duullaanka uu ku qaaday Ukraine. Sidoo kale Imaaraadku wuxuu dal-ku-gal siiyay dad Ruush ah xilli wadamada reer Galbeedku ay xayiraad dalalkooda ka saareen.

    Dad lagu qiyaasay boqollaal kun oo qof ayaa ka cararay dalka Ruushka labadii bil ee la soo dhaafay, inkastoo aan la haynin tirada saxda ah ee dadkaas. Dhaqaaleyahan u dhashay dalka Ruushka ayaa sheegay in 200,000 oo qof oo Ruush ah inay dalka ka baxsadeen tobankii maalmood ee ugu horreysay markii uu dagaalku ka billowday Ukraine.

    Virtuzone oo shirkadaha kale ka caawisa howlgalladooda ganacsi ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa laga soo xigtay inuu jiro koror dhanka macaamiisha Ruushka ah. “Waxaan helnaa shan jeer in ka badan weydiimaha Ruushka tan iyo markii uu dagaalku billowday,” ayuu yiri maamulaha guud ee shirkadda Virtuzone, George Hojeige.

    “Waxay ka walaacsan yihiin burburka dhaqaale ee soo socda, waana sababta ay halkan ugu soo guurayaan si ay hantidooda u badbaadsadaan,” ayuu raaciyay. Qulqulka muwaadiniinta Ruushka ayaa sii kordhiyay baahida guryaha casriga ah ee magaalada oo dhan. Wakiillada guryaha ayaana sheegay kor-u-kaca ku yimid qiimaha guryaha maaddaama dadka u dhashay dalka Ruushka ee tagaya Dubai ay iibsanayaan guryaha loogu talagalay maalqabeennada.

    Qiimaha quryaha oo sare u kacay

    Shirkadda guryaha ee Betterhomes ee fadhigeedu yahay Dubai ayaa shaaca ka qaaday in iibsashada guryaha ee dadka Ruushka ah ay kor u kacday saddex-meelood labo saddexdii bil ee ugu horreeyay sanadkan.

    Shirkad kale oo guryaha dhista, laguna magacaabo Modern Living, ayaa BBC-da u sheegtay in ay shaqaaleysiisay wakiillo badan oo af-Ruushka ku hadla si ay u daboolaan baahida sii kordheysa. Madaxa fulinta Thiago Caldas ayaa sheegay inay aad ula soo xiriiraan muwaadiniinta Ruushka ee doonaya in ay si degdeg ah ugu soo guuraan Dubai.

    “Ruushkan imanayaa ma aha kaliya inay wax u iibsadaan maalgashi ahaan, waxay u arkaan Dubai inay tahay hoy labaad,” ayuu yiri.

    Shirkado badan oo caalami ah iyo kuwo laga leeyahay Ruushka ayaa billaabay inay shaqaalahooda u raraan Imaaraadka. Fuad Fatullev waa aasaasihii WeWay, oo ah shirkad tignoolajiyadeed, isla markaana xafiisyo ku lahayd Ruushka iyo Ukraine.

    “Dagaalku wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay howgalladeennii. Ma sii ahaan karno sidii hore sababtoo ah waxay ahayd in boqollaal qof aan ka saarno Ukraine iyo Ruushka,” ayuu yiri Fuad, oo ah muwaaddin Ruush ah.

    Wuxuu intaas ku daray inay dowr-bideen in shaqaalahooda ay u wareejiyaan Imaaraadka maaddaama ay halkaa ka helayaan jawi ay dadku ku shaqeyn karaan oo siyaasadeed, deegaan ahaanna ay halkaa u wacan tahay. Shirkadaha Ruushka ayaa sheegaya in sababaha ay ugu guureen Imaaraadka ay tahay inay ku adkaatay ka shaqeynta Ruushka muddadii lagu soo rogay cunna-qabateynada.

    Caqabadaha ayaa sii xoogaystay xitaa maaddaama aysan shirkadaha uu fadhigoodu yahay Ruushka ee caalamiga ah aanay heshiisyo la gali karin shirkado kale, sababtoo ah kuwa reer Galbeedka ayaa xiriirka u jaray. Shirkadaha caalamiga ah sida Goldman Sachs, JP Morgan iyo Google, oo xafiisyo ay ku lahaayeen Ruushka xiray ayaa sidoo kale shaqaalahooda qaar u raray Dubai.

    “Xaqiiqdii waxaa jira qulqul maskaxeed oo socda. Dad badan ayaa baxaya sababtoo ah waxaa hadda jira xayiraado badan oo ganacsi hadda,” ayuu yiri Fatulley.

    Bankiga bhexe ee Ruushka ayaa laga mamnuucay inuu isticmaalo balaayiin lacagaha qalaad ah oo kayd ah oo lagu hayo bankiyada shisheeye. Sidoo kale, qaar ka tirsan bankiyada Ruushka ayaa laga saaray nidaamka farriimaha maaliyadeed ee Swift. Si loo ilaaliyo kaydkeeda, dowladda Ruushku waxay samaysay xannibaado raasumaal ah, waxayna ka mamnuucday muwaadiniinta inay dalka kala baxaan wax ka badan $10,000 oo lacag qalaad ah.

    Iyadoo ay ku adag tahay wareejinta lacagta caddaanka ah, meherado badan oo Ruushka laga leeyahay ayaa waxay wax ku bixinayaan lacagaha loo yaqaan ‘cryptocurrencies’. Waddamada Khaliijka oo ay ku jiraan Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga ayaa ku gacan seyray soo-jeedinta dowladaha reer Galbeedka oo ahaa in cunna-qabateyn lagu soo rogo Ruushka.

    Imaaraadku wuxuu ka mid ahaa saddex waddan, oo ay weheliyaan Shiinaha iyo Hindiya, kuwaas oo ka aamusay codbixintii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Febraayo ee lagu cambaareeyay duullaanka Ruushka ee Ukraine. Waxa uu sidoo kale ka aamusay cod loo qaaday Golaha loo dhan yahay 7-dii April in Ruushka laga joojiyo Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.