Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Halkee maraysaa qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad?
    Somalia

    Halkee maraysaa qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 7, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga isku dhafka ah ee doorashad madaxweynaha 10-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kujira qabanqaabadii ugu dambeysay ee diiwaan-gelinta musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, waxaana lagu wadaa in maalinta berri ay si rasmi ah u bilaabato qabashda codsiga musharaxiinta.

    Guddiga ayaa Khamiistii ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada Madaxweynaha, waxaana maalinta doorashada lagu asteeyay 15-ka bishan aynu ku jirno ee May.

    Diiwaan-gelinta musharaxiinta oo ku eg 10-ka bishan oo ah maalin Talaado ah ayaa la filayaa in inka badan 20 musharax oo uu ku jiro madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ay iska diigwaangaliyaan guddiga doorashada.

    Hadal jeedinta musharraxiinta is-diiwaangaliyay ayaa sida ku xusan jadwalka doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya waxay noqon doonaan maalmaha 11 iyo 12-ka bishan.

    Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale ku howlan sugista amniga doorashada, iyada oo saddexdii bishan uu guddomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe kulan uu isugu yeeray dhammaan saraakiisha qalabka sida uu uga digay ‘inay ku milmaan siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacabka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne’ sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta golaha shacabka uu ku leeyahay Facebook.

    Dhinaca kale, khilaaf ayaa weli ka taagan 16-ka xildhibaan ee gobolka Gedo, waxaana la filayaa in guddoomiyaha Golaha Shacanka Sheekh Aadan Madoobe uu go’aan rasmi ah kasoo saaro xildhibaannadan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.