Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo ay sii kordhayso tirada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah Ee dawooyinka
    Somalia

    Maraykanka oo ay sii kordhayso tirada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah Ee dawooyinka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maraykanka ayaa markale dhigay rikoodh cusub, iyada oo ay sii kordhayso tirada dadka u dhinta isticmaalka xad-dhaafka ah ee dawooyinka iyo daroogada, waxaana sannadkii hore la diiwaangeliyey in ka badna 107,000 oo qof sida ay shaacisay xarunta Xakamaynta iyo ka hortagga cudurada ee dalka Maraykanku.

    Tiradan la soo saaray ayaa ka badan 15% tiradii la diiwaangeliyey sannadkii hore ee 2020, waxaana taasi ay la macno tahay inay in ugu yaraan uu hal qof u dhinto 5-tii daqiiqoba, isticmaalka xad-dhaafka ah ee daawooyinka iyo daroogada.

    Dhimashada xad-dhaafka ah ee daroogada iyo daawooyinka ee Maraykanka ayaa kor u socotay labaatankii sano ee u dambeeyey.

    Dr. Rahul Gupta oo ah Agaasimaha Xafiiska Aqalka Cad ee Siyaasadda Qaran ee Xakamaynta Dawooyinka ayaa arrintan ku tilmaamay inay tahay mid aan la aqbali karin, isaga oo sheegay in intaraatejiyadda cusub ee madaxweyne Biden ee ku aaddan xakamaynta daawooyinku inay calaamad u tahay, in la dardargeliyo siyaasadda lagu xakamaynayo isticmaalka daroogada iyo dawooyinka sida xad-dhaafka ah loo isticmaalo, iyada oo xuddun looga dhigayo badbaadada shakhsiyaadka iyo bulshada.

    Dr. Rahul Gupta ayaa yidhi “tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah balaadhinta helitaanka qalabka yareeya ama hoos u dhiga, waxyeellada saamaynta sare leh, sida naloxone, iyo in si dhakhso ah dad badan loogu gudbiyo daawaynta, ka hortegidda iyo baabi’inta ka ganacsiga daroogada, iyo hagaajinta xogta iyo sida loo wadaagi karo” ayuu yidhi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.