Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Turkiga oo hawadiisa ka xirtay Diyaaradaha Ruushka
    Somalia

    Turkiga oo hawadiisa ka xirtay Diyaaradaha Ruushka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 12, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dalka Turkiga ayaa sii kordhinaya cadaadiska uu ku hayo joogintaanka militariga Ruushka ee Syria, iyada oo goโ€™aansatay inay hawadeeda ka xidhato diyaaradaha Ruushka ee u safraya dalka Syria illaa bisha July.

    Dalka Turkigu ma sheegin sababta rasmiga ah ee ay tallaabadan u qaadeen, iyada oo Ankara iyo Moscow ay kala taageerayaan dhinacyada iska soo horjeeda ee ku dagaalamaya dalka Syria, inkasta oo ay iska kaashanayaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan dalkaasi.

    Huseyin Bagci, oo ah madaxa machadka siyaasadda arrimaha dibadda ee Turkiga, ayaa sheegay in tallaabadan ay ku soo beegantay iyadoo dalka Turkigu uu xulafadiisa reer galbeedka la wadaago, inay ka soo horjeedaan duullaanka Ruushka ee Ukriane, waxaana arrintan saldhig u ah in Turkigu uu doonayo inuu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay isbahaysiga NATO ee uu ka tirsan yahay iyo dalka Maraykanka.

    Marinka hawada ee dalka Turkiga ayaa ah, dariiqa ugu fudud ee ay mari karaan diyaaradaha Ruushka ee saanadda iyo adeegyada militariga gaadhsiinaya ciidamada Ruushka ee ku sugan saldhiga militari ee uu ku leeyahay Syria. Inkasta oo ay jiraan jidad kale oo ay isticmaali karaan, hase ahaatee Ruushka ayaa ka cabsi qaba in dalka Turkigu inuu u janjeedhsado dhinaca Maraykanka si loo goโ€™doomiyo Ruushka.

    Tallaabadan Ruushka ayaa durba saamayn ku yeelatay sahayda militari ee dawladda Ruushku ay gaadhsiiso ciidamadeeda ku sugan Syria, iyada oo Turkigu hore u xadiday isticmaalka ciidamada Ruushka ee marinka biyaha badda madow.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.