Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka dhigan tahay ku biirida Finland Ee Natto??
    Somalia

    Maxay ka dhigan tahay ku biirida Finland Ee Natto??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Finland, Sauli Niinisto iyo Ra’iisal wasaare Sanna Marin ayaa labaduba sheegay in ay filayaan in dalkooda uu maalmaha soo socda go’aan ka gaari doono xubinnimada Nato.

    “Xubinnimada Nato waxa ay xoojin doontaa amniga Finland. Dhanka kale, gaashaan buurta ayaa ka faa’iido doonto xubinnimadeena. Finland oo in si dhaqsa ah ay u codsato kamid noqoshada Nato,” ayaa lagu yiri qoraal ay wadajir u soo saareen labada hoggaamiye ee ugu sarreeya xukuumadda Helsinki.

    Madaxweyne Niinisto oo ka jawaabaya walaaca Ruushka ayaa sheegay in eeda ay leedahay xukuumadda Moscow oo ku duushay Ukraine.

    Ra’yi ururin la sameeyay todobaadkii hore ayaa muujinaysa in shacabka Finland ay 76% taageersan yihiin in waddankooda uu ku biiro Nato, halka 12% ay diiddan yihiin. Taageerada ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyay markii uu Ruushka qaaday duullaankii Ukraine.

    Finland iyo Midowgii Soofiyeet ayaa isaga hor yimid dagaalkii labaad ee dunida, waxaana ciidamada Finns ay sanadihii 1939-40 iska caabiyeen duullaan dalkooda lagu qabsan rabay.

    Dagaalkaas kadib, Finland ayaa 10% dhulkeeda ku wayday heshiiskii xabbad joojinta, waxaana ay dhexdhexaad ka noqday dagaalkii qaboobaa ee u dhexeeyay Midowgii Soofiyeet iyo Dalalka Galbeedka.

    Haddii Finland ay ku biirto Nato, waxa laba-laabmi doona xuduudda ay gaashaan buurtaas la leedahay Ruushka.

    Xoghayaha guud ee Nato, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay inuu filayo in hannaanka Sweden iyo Finland lagu siinayo xubinnimada gaashaan buurta uu u dhaco si degdeg ah.

    Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa lagu sheegay in tallaabada Finland ay tahay mid “isbedal weyn ku samaynaysa siyaasadda arrimaha dibedda ee dalkaas”.

    “Waxa uu Ruushka ku qasbanaan doonaa inuu qaado tallaabooyin aargoosi ah oo isugu jira milateri, farsamo iyo qaabab kale si meesha looga saaro khatarta amniga qaran ee ka dhasha go’aankaas.”

    Hase yeeshee xukuumadda Moscow ma aanay faahfaahin tallaabooyinka ay qaadi doonto haddii Finland ay kamid noqoto Nato.

    “Wax kasta waxa ay ku xiran yihiin qaabka uu noqdo isla ballaarinta cusub [ee Nato] iyo inta ay gaarsiisan tahay cudud milateri ee ku soo dhawaato xuduudaheenna,” ayuu goor sii horreysay weriyayaasha u sheegay afhayeenka Kremlin, Dmitry Peskov.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.