Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xasan Shiikh oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Somaliya
    Somalia

    Xasan Shiikh oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xasan Shiikh Maxamuud,ayaa mar kale loo doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, muddada afarta sano ah ee soo socota kadib doorasho qaadatay in ka badan 10 saac oo ka dhacday Muqdisho.

    Xasan Shiikh,ayaa wareeggii saddexaad ee doorashada kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ah madaxweynihii kursiga ku fadhiyey.

    Tirada guud ee codeysay ayaa aheyd 327 cod. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 214 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod. Waxaa hallaabay saddex cod.

    Xasan Sheekh ayaa horey madaxweyne ugu soo noqday Soomaaliya 2012 illaa 2017, markaasi oo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kaga adkaaday doorasho dhacday 7-dii Febraayo 2017.

    Doorashadii ka dhacday Teendhada Afisyoone 15-kii May 2022, ayaa waxaa ku tartamay 34 musharax oo ka mid ah 39 musharaxa oo markii hore isku diiwaan-geliyey doorashada, balse ay shan ka hareen.

    Wareegga labaad ee doorashada ayaa waxaa u gudbay Saciid Cabdullaahi Deni oo helay 65 cod, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo helay 59 cod, Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod, iyo Xasan Cali Kheyre uu helay 47 cod.

    Waxaa kadib wareegga labaad ugu cod batay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayada oo ay hareen Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre.

    Xasan Sheekh Maxamuud ayaa helay 110 cod, halka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kusoo xigay uu helay 83 cod. Saciid Cabdullaahi Deni iyo Xasan Cali Kheyre ayaa kala helay 68 cod iyo 63 cod, sida ay u kala horreeyaan, waxaana sidaas wareegga ugu dambeeya ku gaaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

    Codeyntan oo dib u dhacday muddo ka badan sanad sababo la xiriira khilaafaad siyaasadeed, ayay qasab ahayd in la qabto bishan si ay u sii soocto lacag dhan 400 milyan oo dollaar oo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF uu siiyo dowladda Soomaaliya.

    Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu 1955-kii ku dhashay degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.