Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo dib ugu soo celinaya Ciidamadiisii Somaliya
    Somalia

    Maraykanka oo dib ugu soo celinaya Ciidamadiisii Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 16, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray in dib Soomaaliya loogu celiyo boqollaal askarta dalkaas ah sida maanta laga soo xigtay saraakiil Ameerikaan ah.

    Maamulkii madaxweyne Donald Trump ayaa bishii Diseember ee sanadkii 2020, Soomaaliya kala baxay ciidan Ameerikaan ah oo tiradooda lagu qiyaasay 700 oo askari, kuwaas oo shaqadooda ay ahayd in ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

    “Madaxweyne Biden wuxuu oggolaaday codsi uga yimid Xogyaha Gaashaandhiga oo ahaa in dib loo howlgeliyo milaterigii Mareykanka ee joogay Soomaaliya, si uu wax ku ool u noqdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri mas’uul sare oo ka mid ah maamulka dowladda, kaas oo magaciisa aan la sheegin.

    Tallaabadani waa dib u celinta ciidan horay u tagayay, ugana imaanayay Soomaaliya si ku saleysan xaalado gaar ah, ka hor intii uusan maamulkii hore go’aansan soo-saaristooda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray mas’uulka.

    Al-Shabaab oo lala xiriiriyo Al-Qaacidda ayaa ku howlan in ay meesha ka saarto dowladda Soomaaliya, talada waddankan ay la wareegto. Dhowr jeer oo hore ayay kooxdu qaraxyo ka fulisay magaalada Muqdisho iyo deegaanno ka baxsan.

    Sannadihii la soo dhaafay, waxaa askarta Mareykanka lagu eedeynayay in dad shacab ah ay ku dileen duqeymo ay ka fuliyeen Soomaaliya.

    Hay’adda Amnesty intentional waxay sheegtay Maraykanka duqeymaha uu Soomaaliya ka fuliyey iney 20 qof oo rayad ah ku dhinteen, hase yeeshee Maraykanka ayaa diiday tiradasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.