Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tirada carruurta Somaliya ee la il-daran nafaqo darrada oo sii kordheysa
    Somalia

    Tirada carruurta Somaliya ee la il-daran nafaqo darrada oo sii kordheysa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 17, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Haya’da Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ee UNICEF ayaa ka digtay in dhaqaalaha burburka uu keenay cudurka Covid-19, jahawareerka cimilada iyo iskahorโ€™imaadyada hubaysan oo ay ku jiro dagaalka Ukraine ay horseedayaan in ay sii koradho tirada caruurta nafaqada darada la il-daran guud ahaan caalamka.

    Hay’adda ayaa farta ku fiiqday in qalqal ku yimid adeegyadii gargaarka ahaa ee la gaarsiin jiraynka meelaha kala duwan, abaaro, iyo hoos u dhaca ku yimid qamadiga laga soo dhoofiyo Ukraine ay xaalada sii murjisay.

    UNICEF waxa ay sheegtay in xitaa qiimaha cuntooyiinka nafaqada leh ay sare u kaci doonaan 16 boqolkiiba 6 bilood ee soo socota.

    Caruurta Soomaaliya oo wajahaysa abaartii ugu darnayd muddo 40 sannadood ka dib, Afghanistan iyo waddamada kale ee Koonfurta Aasiya ee iyagana ay saameynta xooggan ku yeelatay sare u kaca ku yimid qiimaha qutul daruuriga kuwaasoo u baahan in laga bad-baadiyo nafaqa darrada sare u sii kacaysa ee ay wajahayaan.

    In kabadan hal milyan oo caruur oo ku sugan Afghanistan ayaa wajahaya nafaqo darro baโ€™an, tiradaas oo ah laba jibaar marka loo barbar dhigo sannadii 2018-kii.

    Maka laga hadlayo tirada caruurta nafaqa darrada ay saameysay ee Geeska Afrika, waxay gaareeysaa ilaa 2 malyan.

    Balse hayโ€™adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caruurta ayaa sheegeysa in loo baahan yahay in musibadaan wax laga qabto lana helo caawimaad caalami ah.

    Sida ugu wanaagsan ee loo daaweeyo caruurta gaajada la daalaadhacyo ay tahay in la siiyo cunooyin ay ku badan yihiin waxyaabaha kordhiyo tamarta jirka iyo nafaqooyin uu ku jira lawska, hase yeeshee hayโ€™adda ayaa haatan ka walaacsan qiimaha cunnooyinkaas oo aad sarreyso.

    UNICEF waxay sheegtay in qiimaha cunnooyinkan ay sare u kaceen taas oo saameyn karto in ka badan nus milyan carruur ah oo si aad ah ugu baahan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.