Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Rwanda oo soo dhawaynaysa Muhaajiriintii ugu horreeyey ee laga soo celinayo UK
    Somalia

    Rwanda oo soo dhawaynaysa Muhaajiriintii ugu horreeyey ee laga soo celinayo UK

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 20, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qeybtii ugu horreysay oo ah dad magangalyo doon ah oo laga soo qaadayo dalka UK, taasi oo qeyb ka ah heshiis muran badan dhaliyey, ayaa la filayaa inay yimaadaan dalka Rwanda toddobaadyada soo socda, sida ay sheegeen saraakiil sare oo ku sugan Kigali.

    Tan iyo markii lagu dhowaaqay bishii tagtay, heshiiska u ogolaanaya Britain inay muhaajiriinta iyo dadka magan-galyo doonka ah usoo dirto Rwanda ayaa waxaa si aad ah u cambaareeyey kooxaha xuquuqda aadanaha, mucaaradka labada dal iyo xitaa QM.

    Sida ku cad heshiiska, dowladda Britain ayaa qof kasta oo si sharci-darro ah kusoo gala UK, iyo sidoo kale kuwii ku yimid sharci-darrada tan iyo 1-dii Janaayo, waxay usoo diri doontaa Rwanda.

    War-saxaafadeed uu soo saaray Khamiistii ayaa Alain Mukuralinda oo ah ku-xigeenka afhayeenka dowladda Rwanda ku yiri “Dowladda UK waxay nagu wargelisay in qeybtii ugu horreysay oo ah koox ka kooban 50 qof loo sameyn doono dib u dejin, waxaana rajeyneynaa inaan war ka helno saaxiibadeena UK toddobaadyada soo socda.”

    Sidoo kale, Yolande Makolo oo ah afhayeenka dowladda ayaa xaqiijisay “in muhaajiriinta ay u badan tahay inay yimaadaan toddobaadyada soo socda.”

    Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Rwanada, dowladda Britain ayaa illaa $157 milyan siin doonta Rwanda, islamarkaana muhaajiriinta ayaa “lagu dhex dari doonaa bulshooyinka kala duwan ee dalkaas.”

    Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa qorshahan ugu yeeray “wax ka baxsan bani’aadaminimada.”

    Hase yeeshee Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa sheegay in Rwanda ay tahay “mid ka mid ah dalalka ugu amniga badan dunida.”

    Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sidoo kale difaacay qorshaha isaga oo sheegay in Kagali “aysan ka ganacsaneyn dadka,” markii ay saxiixay hehsiiskan.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.