Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mucaaradka iyo Dowlada SL oo ku kala tagey wada xaajoodkii iyo Gudigii Diiwaangelinta oo la dhaariyay
    Somalia

    Mucaaradka iyo Dowlada SL oo ku kala tagey wada xaajoodkii iyo Gudigii Diiwaangelinta oo la dhaariyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 25, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa xalay natiijo la’aan ku soo dhamaaday Wadahadallo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradka ah ee Jamahuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqaday ee Soomaaliland .

    Wadahadalladaan oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka iyo furista ururada siyaasaddaayaa xisbiyada mucaaradku waxay muujiyeen is faham la’aanta ka sakow aaney xitaa muuqan rajo dib la isugu imana karo halka xukuumaddu ay iyadu qabto in ay sii soconayana wadahadlladaan si xal loo garo.

    Dhanka kale Dowlada,ayaa dhaarisay Gudiga Diiwaangelinta Ururada,iyadoo ay umuuqato in aysan ujoojin dooda mucaaradka.

    Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Xubnaha Guddida diiwaangelinta Ururrada iyo axsaabta siyaasadda ee ay dhawaan ansixiyeen Golaha wakiilladu intoodii badnayd, kuwaas oo tiradoodu dhan tahay 4 (Afar) xubnood.

    Guddoomiyuhu waxa uu xubnaha guddida mid mid gacanta ugu saaray Kitaabka Qur’aanka kariimka ah, waxana uu sida sharcigu qorayo qof-qof ku dhaariyey inay ururrada, Axsaabta siyaasadda iyo bulshadaba ugu adeegi doonaan dhexdhexaadnimo iyo caddaalad inta ay xilka loo igmaday hayaan.

    Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu xubnaha maanta la dhaariyey oo tiradoodu 4 (Afar) uu xusay inay yihiin aqlabiyadii xubnaha guddidaas, shaqada loo igmadayna ay sidaas ku gudan karaan, maaddaama oo ay aqlabiyaddii yihiin, isaga oo ku adkeeyey inay hawshooda hore ka bilaabaan, si meesha looga saaro culaysyada la xidhiidha bilaabidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, waxana uu yiri…

    “Soo dhawaada xubnaha guddida diiwaangelinta ururrada ee kasoo gudbay codayntii Baarlamaanka, Toddoba xubnood bay ahaayeen, Afar baa ku guulaystay inay codkii kusoo gudbaan, Toddoba haddii ay ahaayeenna Afartu waa Aqlabiyad (Majority), culays badan baana na saaran oo in doorashooyinkii la dedejiyo oo maalin walba shaqo la qabto weeye.”

    Kulankan dhaarinta ah oo lagu qabtay qasriga madaxtooyada, waxa goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.