Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Ruushka oo qabsaday Magaalo Ukrain u ah Istiraatiiji
    Somalia

    Ciidamada Ruushka oo qabsaday Magaalo Ukrain u ah Istiraatiiji

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 29, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Milatariga Ruushka ayaa sheegay inay qabsadeen magaalada Istaraatejiga ah ee Lyman oo ku taalla gobolka Donetsk ee bariga dalka Ukraine, magaaladan ayaa ah magaalo muhiim u ah dhinaca isku xidhka adeegga tareenada. Qabsashadan ayaa muhiimad gaar ah ugu fadhida dalka Ruushka.

    Qabsashada magaaladan waxaa iska kaashaday ciidamada milatariga Ruushka iyo maleeshiyada ka dagaalanka gobolka Donetsk ee DRP. Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa markii ay ka hadlaysay inay qabsadeen magaaladan, waxay ugu yeedheen magaca Ruushka ee magaaladan loogu yeedho oo ah Krasny Liman.

    La wareegitaanka magaalada Lyman ayaa u gogol xaadheysa in Ruushku uu bilaabo wejiga xiga ee weerarkooda gobolka Donbas. Magaaladan ayaa waxay 40 kiiloomitir dhanka galbeed kaga beegan tahay Sievierodonetsk, oo ah magaalada ugu wayn gobolka Donbas halkaas oo ay weli gacanta ku hayaan ciidamada Ukraine.

    Sievierodonetsk, oo haatan ah bartilmaameedka ugu weyn ee Moscow, ayaa hadda lagu hayaa weerar culus. Guddoomiyaha gobolka Luhansk, ayaa sheegay Jimcihii in ciidamada Ruushka ay galeen magaalada Sievierodonetsk.

    “Haddii Ruushku uu ku guuleysto in uu la wareego aagaggaas, waxay u badan tahay in Kremlin-ka ay u arki doonto guulo siyaasadeed oo la taaban karo, iyaga oo heli doona guulo ay la wadaagaan shacabkooda, iyaga oo u qiil samaynaya duullaankoodaโ€ sidaas waxaa sheegtay wasaaradda difaaca ee Ingiriiska.

    Ruushka ayaa sidoo kale wuxuu sabtidii maanta sheegay inay ku guulaysteen tijaabo ay ku sameeyeen gantaallada hawada sare, kaas oo ka dhacay Arctic. Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa sheegtay in gantaalka Zircon hypersonic cruise missile ee ay tijaabiyeen inuu si guul ah u gaadhay bartilmaameedkii loo asteeyey isaga oo jaray xawaare gaadhaya illaa 1,000 kilomitir.

    Qaybo ka mida warbixintan waxaa laga soo xigtay wakaaladaha wararka ee AP, AFP iyo Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.