Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay kawada xaajoodeen Ergayga Abaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub?
    Somalia

    Maxay kawada xaajoodeen Ergayga Abaaraha iyo Safiirka Midowga Yurub?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 7, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muqdisho June 07, 2022- Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Md Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya Tiina Intelmann.

    Marwo Tiina, oo ay shirka ku wehliyeen waaxaha gargaarka bini’aadminada iyo horumarinta ayaa ka warbixisay howlaha kala duwan ee midowga Yurub ka gacansiiyo dowladda Soomaaliya.

    Danjire Tiina Intelmann, oo ku dheeraatay sida midowga Yurub ugu heellanyahay garabsiinta Soomaaliya ayaa sheegtay in dhaqaalo ka badan 250 milyan oo sanadle ah ku bixiyaan taageerada kala duwan ee Soomaaliya iyadoo sidoo kalana tilmantay baahida loo qabo muuqashada dowrka hoggaamineed ee Dowladda Soomaaliyeed looga baahanyahay marka laga hadlaayo jiheynta, fududeynta iyo guud ahaan kala shaqeynta midowga yurub iyo heyadaha kaleba howlaha dib u dhiska iyo gargaarka.

    Ergeyga oo horreyn uga mahad celiyay Midowga sida ay mar walba u garab taaganyihiin Soomaaliya ayaa gaar ahaan xusay qayb ka qaadashada abaabulkii shirkii Geneva, isaga oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhammeystirka bixinta yaboohii shirkaas laga ballanqaaday.

    Waxa uu sidoo kale ka warramay sida hoggaanka cusub ee Soomaaliya ay mudnaan ugu leedahay howsha arrimaha bini’aadminimada isaga oo tibaaxay in xafiiskiisu dedaal ku bixin doono isu duwista iyo fududeynta howlaha gargaarka.

    Gebogabadii waxa ergayga iyo danjirahu ku ballameen in xiriir dheeri ah laga yeesho dardargelinta deeqraadin hor leh iyo sidoo kale xoojinta howlaha gudaha ee la xiriira abaaraha iyo ka hortagga macluusha.

    Dhammaad

    XAFIISKA WARFAAFINTA ERGAYGA GAARKA AH EE MADAXWEYNAHA JFS U QAABILSAN ARRIMAHA GURMADKA ABAARAHA.

    Twitter:- https://twitter.com/ergayga

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.