Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Waraysiga waxaa macno tariyay xog ogaal xumada Wariyaha
    Somalia

    Waraysiga waxaa macno tariyay xog ogaal xumada Wariyaha

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 10, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waraysiga Fahad Yaasiin wuxuu ahaa Waraysi xog waayey, haddiise arrimaha qaarkood lays dultaago wax badan ayaa laga soo fagi lahaa Fahad.

    Waxayse sababtu tahay weriyaha ayaan waxyaalo badan xog ogaal u ahayn sida ururada Islaamiga, halka uu weriyuhu kaga raftay Ictisaam in uu u wareegay iyo in kale oo uu Fahad sheegayba in uu si caadiya ugu wareegay Ictisaam, Markale weriyuhu wuxuu leeyahay „“ Fahad waxaa lagu sheegaa, nin run badan, amaano badan iwm“, dhinaca kale wuxuu ilaawayaa in sidoo kale lagu sheego, nin Dhagar badan, hadafkiisana dhiig u daadin kara!.

    Weriyuhu hadduu xog ogaal u yahay Fahad taariikhdiisii gobolka Gedo wax badan ayuu ka weydiin lahaa, waxa kale oo uu Fahad weydiin lahaa xiliyadii 1992-1996 oo ahayd marka Fahad afkaar ahaan abuurtay oo uu ka mid ahaa ragga dagaaladii Itoobiya ka socday ee Alitixaad Soomaali-galbeed iyo Itoobiya u dhaxeeyey laf dhabarta u ahaa, oo ahayd xilliguu imaamka iyo muftiga ahaa.

    Fahad wuu ku sigtay in uu ka qayb galo Dagaalkii Saliid laakiin ehelkiisaa ka badbaadiyey, wuxuuna ka mid ahaa gurmad u soo bixi lahaa Saliid, waxayse raggaasi ugu yimaadeen Luuq iyo Beled Xaawo markay ka soo wareegeen Bari.

    Markale marka uu Fahad ku sheegay inuu Altixiaad Gobol uga noqday Badhasaab, waxay aheyd in xogtaa su‘aalo badan kadhashaan, maadaama uu si dadban Fahad u sheegay Gobolka Gedo.

    Fahad waraysigiisu wuxuu sii xiisa badnaan lahaa hadduu heli lahaa weriye xogo badan ka haya dhacdooyinkaa, Sidoo kale is barbardhigi Kara waxa saaxiibadiisa siyaasadda iyo fikirka iyo kuwa kasoo horjeedaaba u yaqaaniin.

    Su’aasha saaxiibada Fahad la weydiiyey kuwii ugu qiimaha badnaa ayuu ka tagay oo lumiyey kuwaas oo caqli iyo garashaba ku kordhin lahaa, sida ninkii siiyey fursadda qiimaha badan ee uu Somalitalk iyo Raggii Aljazeera kala hawl galay oo amuuro badan ka badbaadiyey caqli iyo garasho u ahaa, wuxuuse maanta saaxiibo dhaw la yahay dhallinyaro weriyayaal ka ah baraha bulshada oo aan taariikhdiisii qotoda dheerayd waxba ka ogayn iyo qaar ka mid ah raggay isku xarakiyiinta iyo isku Ictisaamka ahaayeen oo uu ku qotomiyey sida uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sheegay ee “ Alwalaa walbaraa/ waad ila jirtaa ama waad iga jirtaa”.

    Fahad waa nin caddeysta wuxuu doonayo siduu sheegay oo aan wakhti ku lumin hawlo kale , Laakiin waxaa wax badan seejinaya waxaan doonayo aan wada helo, waana ta aanu u sii noqon karin siyaasi waayo badan wajahi kara, waxaase waraysiga ka soo baxday sababta ay Ictisaam u taageeri jireen Farmaajo, taageeraduna Farmaajo may ahayn ee waxay ahayd Fahad oo u joogay madaxtooyada taasina ay sababtay in ay shaqayso warshadoodii ay abuurteen oo dhallinyaro badan iyo haween ku taageereen Farmaajo, mar haddaanu Farmaajo ahayn nin diinta yaqaanay oo aan soo looxjiidan, xarakina ahayn in muusikada waddaniyada sawirka Farmaajo la saartay.

    @Abdirahman Hirsi

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.