Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midawga Afrika oo ka codsaday Dowlada Ukraine miinooyinka in ay ka saarto dekedda Odesa
    Somalia

    Midawga Afrika oo ka codsaday Dowlada Ukraine miinooyinka in ay ka saarto dekedda Odesa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha dalka Senegal oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika Macky Sall ayaa Khamiistii ku boorriyay dalka Ukraine inuu miinooyinka ku hareeraysan ka saaro dekeddooda Odesa si ay u fududaato in dekeddaas laga soo dhoofiyo hadhuudhka iyo sarreenka ku xanniban ee aadka loogu baahan yahay.

    Duullaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine iyo cunaqabataynta ay reer galbeedku ku soo rogeen dalka Ruushka ayaa hakad gelisay sareenkii iyo hadhuudhkii labadan dal ay soo saari jireen ee dunida loo iibgeyn jiray.

    Afrika, waxaa cirka isku shareeray qiimaha cuntada, iyada oo qaaraddani ay tahay tan ugu saboolsan dunida, waxaana qiime korodhka ugu wacan hoos u dhaca ku yimi sareenka iyo gallaydii ay debedda u dhoofin jireen dalalka Ruushka iyo Ukraine.

    Madaxweynaha Senegal ayaa u sheegay telefishanka France 24 iyo RFI, in haddii aan si dhakhso ah dib loogu bilaabin in dalka Ukraine uu soo celiyo sarreenkii iyo hadhuudhkii uu Afrika u soo dhoofin jiray, in qaaradda Afrika ay geli doonto xaalad gaajo iyo macaluul oo aad u daran oo khalkhal gelin karta xasiloonida qaaradda oo dhan. Ruushka iyo Ukraine ayaa soo saari jiray 30% sarreenka dunida loo iibgeeyo.

    Laakiin waxaa haatan dekedaha Ukraine ku xanniban hadhuudh la doonayey in debedda loo dhoofiyo, ka dib markii ay dawladda Ruushku ay qaadday tallaabooyin go’doomin ah, halka cunaqabataynta reer galbeedkuna ay hakisay dhoofintii sarreenka iyo hadhuudhka ee dalka Ruushka.

    Moscow ayaa ku baaqday in Ukraine ay miinooyinka ka saarto biyaha ku hareereysan dekedda Odesa ee Ukraine ay maamusho si ay u oggolaato in la dhoofiyo hadhuudhka xannibmay, laakiin Kyiv ayaa diiday iyada oo ka cabsi qabta in Ruushku weeraro.

    Sall waxa uu sheegay in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, oo uu todobaadkii hore kula kulmay Ruushka, uu u xaqiijiyay in aanay taasi dhici doonin.

    AFP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.