Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirka dib u Eegista xogta iyo Saadka caafimaadka Soomaaliya oo Garowe ka furmay
    Somalia

    Shirka dib u Eegista xogta iyo Saadka caafimaadka Soomaaliya oo Garowe ka furmay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 12, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garoowe: 12 Jun 2022:- Waxaa maanta ka furmay xarunta dhexe ee wasaaradda caafimaadka Dawladda Puntland Shirka dib u eegista xogta caafimaadka iyo mida dawada Ee Soomaaliya, shirkaan oo ay ka soo qaybgaleen inta badan shaqaalaha ka shaqeeya xogta ee wasaaradda caafimaadka dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

    Furitaanka shirka waxaa ka soo qaybgalay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo qaar kamid ah agaasimayaasha waaxyaha, sidoo kale waxaa joogay madaxa xogta ee wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

    Abdirisak Artan madaxa xogta caafimaadka wasaarada Puntland, oo ka hadlay furitaanka ayaa sheegay in u jeedada ugu wayn ee shirka ay tahay in xogta saadka iyo dawada lagu soo
    ururiyo nidaamka xogta DHIS2ga, isla markaasna lagu mideeyo si ay qayb uga noqoto xogta saadku xogta caafimaadka guud ee wadanka.

    Hasan shiikh Ahmed madaxa xogta wasaaradda caafimaadka Dawlada Federaalka Soomaaliya oo furitaanka ka hadlay ayaa yiri:-

    “ Waxaan soo dhawaynayaa inaan maanta isku imaano shirkaan muhiimka ah kaa soo loogu talagalay in la isla eego wax ka badalka lagu sameeyay nidaamkii hore ee xogta loo soo gudbin jiray lana casriyeeyay.”

    “Waxaana qorshaha mustaqbalka ee dalku uu yahay in guud ahaan soomaliya laga helo, hal xog oo dhamaytiran la hagaajiyay quruxbadana.”

    “Waxaan umahadcelinayaa madaxada Wasaaradda caafimaadka dawlada Puntland soo dhawaynta iyo dajinta aad noo samayseen tan iyo markii aan Garowe shalay ka soo dagnay.”

    Abdirisaaq Abshir Xirsi Agaasimaha waaxda caafimaadka asaasiga ah oo isaguna ka hadlay shirka ayaa yiri:-

    “ Waxaan ugu horayn idinku soo dhawaynayaa wasaaradda caafimaadka Puntland dhamaan dhalinyarada ka timid gobolada kala duwan ee dalka, shirka maanta halkaan idinka furmaya waa mid muhiimad weyn ugu fadhiya guud ahaan caafimaadka dalka gaar ahaan dhanka caafimaadka, sanadkii hore iyo sanadka waxaa la waday dib uqaabaynta iyo qurxinta xogta iyo helitaanka xog dhamaystiran oo guud ahaan soomaaliya laga helo.”

    Mohamed Mohamuud Xidig agaasimaha waaxda qorshaynta wasaaradda caafimaadka Puntland oo shirka isna ka hadlay ayaa yiri:-

    “Shirkaan waxaa la qorshaynayay mudo dheer juhdi badan ayaa la galiyay isku keenidiina waxaan ka sugaynaa in natiijo wanaagsan iyo wax la taaban karo ka soo baxaan insha allah.”

    Abdirizak Hersi Hassan agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dawlada Puntland oo shirka si rasmi ah ufuray ayaa sheegay:-

    “ Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta inta badan dad ka kala yimid gobolada soomaliya ay joogaan waxayna anaga noo tahay inuu Garowe ka dhaco mid wanaagsan.”

    “Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo shaqada fiican ee sanadkaan 2021 iyo sanadka socda 2022 laga qabtay barnaamijkaan xogta caafimaadka, waa markii ugu horaysay ee xog soomaliya ay soo saarto maanta la soo saaray laga heli karo meel kasta, waxaan soo gaaray iyadoo xogta caafimaadka aan ka barino NGO yada soomaliya ee gacanta ku haya, maanta waxaan maraynaa in xog aan ilaha loogu talagalay soo galin ama soo saarin aan la soo saari karin banaanka ubixi karin.”

    “Waxaan joognaa meel bilaw ah waxaan rabnaa heer aan gaarno xarunta caafimaad ee kasta ay qofka jooga marka uu qofka xogtiisa galiyo in markaba xafiisyada HMIS ka ay arki karaan kiisaska dheeraadka ah ee laga helay waxaan rajaynayaa kooxda halkaan fadhida oo dhalinyaro ubadan in dadka looga faa’iideeyo waxa ay soo barteen iyaga oo isticmaalaya Technologiga.”

    “Waxaan rajaynayaa inaad rumaysaan riyada ah in soomaliya la helo xog rasmi ah oo la xiriirta caafimaadka idinkuna aad qaybta ugu weyn ka qaadataan si mustaqbalka soomaaliya xogtaas inta lagu qorsheeyo kadibna loo bixiyo adeega caafimaad ee laga rabay.”

    DHAMMAAD-
    XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADA CAAFIMAADKA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.