Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sacdiyo Salaad oo saakay horjooge ka ah Baarlamaanka iyo Villa Somaliya
    Somalia

    Sacdiyo Salaad oo saakay horjooge ka ah Baarlamaanka iyo Villa Somaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 19, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya kadib markii uu safar debedda ah ugu kicitimay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

    Xildhibaan Sacdiya ayaa xilkan qabanaysa maadaama uu waddanka ka maqan yahay Guddoomiyaha Aqalka Hoose Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe. Arrintan ayaa ah mid taariikhi ah, waana markii ugu horraysay ee Soomaaliya ay ku-sime madaxweyne ka noqoto hoggaamiye dumar ah.

    Xildhibaan Sacdiya ayaa ah haweeynaydii ugu horraysay ee loo doorto xilka guddoomiye ku xigeenka Aqalka Hoose ee baarlamaanka. Sida uu dhigayo sharciga Soomaaliya, haddii madaxweynaha iyo guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanku ay isku mar safar debedda ah u wada baxaan, waxaa xilalkooda sii haynaya Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose.

    Xildhibaan Sacdiya ayaa sii ahaan doonta ku simaha xilalka madaxweynaha iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka inta uu dalka kaga soo laabanayo mid ka mida labada masuul ee ay xilalkooda sii hayso.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.