Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dhul-gariir xoog badan oo Dad badan ku laayay Afgaanistaan
    Somalia

    Dhul-gariir xoog badan oo Dad badan ku laayay Afgaanistaan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 22, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dhul-gariir cabirkiisu dhan yahay 6.1 ayaa ku dilay 920 qof dalka Afghanistan Arbacada maanta ah, sida ay sheegeen saraakiisha maamulka masiibooyinka, iyadoo in ka badan 600 oo qof ay ku dhaawacmeen, waxaana la filayaa in khasaaraha uu sii kordho sida ay sheegayaan xogaha laga helayo tuulooyinka fogfog ee buuralayda ah.

    Sawirro lagu baahiyay warbaahinta Afghanistan ayaa muujinayay burburka guryaha, iyadoo meydadku ay daadsan yihiin waddoonka.

    Dadaallada samata bixinta ayaa diyaarado Helicopters ah gaarsiiyay goobaha musiibadu ka dhacday si loo gaaro dadka dhaawaca ah si ay u helaan gagaar caafimaad iyo cunto, sida uu sheeegay Salahuddin Ayubi. oo ah sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

    “Dhimashadu waxay u badan tahay inay sii kororto maadaama tuulooyinka qaarkood ay ku yaallaan meelo fogfog oo buuraleyda ah, waxayna qaadan doontaa waqti in la soo ururiyo faahfaahinta.” ayuu raaciyay Ayubi.

    Dhul-gariirkii Arbacadii ayaa ahaa kii ugu dhimashada badnaa tan iyo sanadkii 2002. Waxa uu ku dhuftay meel 44 km u jirta koonfurta bari ee magaalada Khost, una dhaw xuduudka Pakistan, sida ay sheegtay hay’adda sahaminta dhulka ee Maraykanka (USGC).

    Inta badan dhimashadu waxa ay ka dhacday gobolka bari ee Pakistan, halkaas oo 255 qof ay ku dhinteen in ka badan 200 oo kalena ay ku dhaawacmeen sida uu sheeegay Ayuubi.

    Musiibadan ayaa imaaneysa iyadoo Afghanistan ay la daalaa dhacayso dhibaato dhaqaale oo aad u daran tan iyo markii Taalibaan ay la wareegeen talada dalkaas, iyadoo ciidamada caalamiga ah ee uu hogaaminayo Mareykanka ay isaga baxeen kadib labaatan sano oo dagaal ah.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.