Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Yaa ka danbeeya sheekada Ninka sheegtay in Bosaso lagu Afduubtay ??
    Somalia

    Yaa ka danbeeya sheekada Ninka sheegtay in Bosaso lagu Afduubtay ??

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 8, 2022Updated:July 9, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qorshahan waa mid la diyaariyay,waxaana abaabulay oo sameeyay Mustafe Cagjar iyo Muuse Biixi.

    Hal ujeedo,ayay ka leeyihiin oo ah in lakala dilo labada Bulsho ee Kilinka 5-aad iyo Puntland.

    Si gaar ah,waxaa yoolkoodu yahay dhanka Ganacsiga.

    Beesha Isaaq waxay aad uga wal-walsan tahay dhismaha Dekeda Garacad.

    Mustafe Cagjarna,waxuu dareen xun ka qaaday isla jaanqaadida Siyaasiyiinta kasoo jeeda Beesha reer Cabdiile iyo kuwa reer Puntland.

    Ninka leh waa lay Afduubtay,waxuu ugu danbeeyay hagardaamooyin faraha badan oo laga dhex samaynayay Labada Bulsho.

    Puntland,waxaa Hanti fara badan ku leh Ganacsato kasoo jeeda Kilinka 5-aad mana dhicin taariikhda Afduub iyo dhac loo gaystay.

    Sidoo kale Ninkan iyo Qoyskiisu maba ahan Dad wax haysta oo la tuhmi karo oo ugu badnaan 100-Neef iyo Hal Gaari oo Waaraad ah,ayuu raran jiray oo ubadan Amaah uu sii qaadan jiray.

    Mustafe Beelaha Ogaadeen ee kale oo uu adeegsanayo ka hortagida isla jaanqaadida labadaas Beelood,waxaa ugu horeeya Beesha Mikaahiil.

    Mikaahiil waxuu ka hor keenay Beesha reer Cabdille oo aysanba aqoon ama fahansanayn hadaad waydiiso haldoorkooda waxa ay ku diidan yihiin.

    Dagaalkii ugu danbeeyay ee dhexmara Mikaahiil iyo Mareexaan,waxaa usoo hiiliyay oo ka fujiyay Mikaahiilka markii Mareexaanku ka awood batay reer Cabdille.

    Sababtoo ah reer Isaaq iyo Mustafe Cagjar marna masoo gaaraan marka kalana awoodba ma hayaan ay Mikaahiil ku garab istaagaan.

    Sidaas oo ay tahay haldoorka Siyaasiga ee Beesha Mikaahiil waxay ku foogan yihiin hanka Siyaasiga reer Cabdiile gudaha Kilinka iyo Somaliya.

    “Maxamuud Saleebaan,waxay la dhacsanaayeen hogaamintii Cabdi Iley,waxay kaloo taageeraan ONLF iyo hogaaminta Maadey,waxay kaloo Kismaayo ku garab taagan yihiin Axmed Madoobe”Doodaas ayay qabaan.

    Mustafe Cagjar haatan,waxuu argagax kasii qaaday helida Ra’isalwasaaraha Somaliya ee Beesha reer Cabdille.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.