Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maraykanka oo Somaliya ugu deeqay Lacag fara badan
    Somalia

    Maraykanka oo Somaliya ugu deeqay Lacag fara badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 25, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan kaalmada caalamiga ah ee USAID,ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu 476 Milyan oo dollar ku bixinayo kaalmooyin baniโ€™aadanimo iyo kuwa horumarineed oo muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed ee ay soo wajahday abaarta daran.

    Bayaan kasoo baxay USAID ayaa lagu sheegay in Mareykanku kaalmada dadka Soomaaliyed uu sanadkan 2022 ku bixiyay ku dhawaad 707 milyan oo dollar oo gargaar bini’aadannimo.

    “Waxaa lama huraan ah in saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ay ku biiraan Mareykanka, si loo kordhiyo deeqaha ay u fidiyaan dadka Soomaaliyeed, si looga horto khasaaraha nafeed ee ka dhalanaya baaqashada roobabka xilliyadii la soo dhaafay iyo qiimaha cuntada iyo shidaalka oo cirka isku shareeray sababo la xiriira dagaalka Ruushka ee Ukraine.” ayaa lagu yiri bayaanka Mareykanka.

    Waxay sheegtay USAID in deeqadan cusub ee gaareysaa 476 Milyan loogu tala galay, sahay cunto degdeg ah oo malaayiin qof loogu deeqo, si looga hortago macluusha, gaar ahaan nafaqada carruurta iyo sidoo kale biyo nadiif ah oo la cabo iyo daryeel caafimaad oo degdeg ah, si looga hortago cudurrada ay gaajadu keento.

    USAID waxay sidoo kale sheegtay inay siin doontaa qoysasaska Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen lacag ay ku iibsadaan cuntooyinka aasaasiga ah ee suuqyada maxalliga ah, taageeridda dhaqaalaha dalka iyo hubinta in qoysaska wajahaya macluusha ay helaan waxay u baahan yihiin.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.