In ka badan 10-Qof oo uu ku jiro Guddoomiyihii Degmada Marka Cabdullaahi Cali Waafow,ayaa ku dhimatay Qarax ismiidaain ah oo ka dhacay magaalada Marka, sida uu VOA u sheegay mid ka mid ah masโuuliyiinta gbolka Shabeellada Hoose.
Qaraxan,ayaa masโuul codsaday inaan magaciisa la sheegin sababo amni uu sheegay inuu gaystay Qof isa soo miidaamiyey uuna ka dhacay agagaarka xarunta Degmada.
War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab, oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda, ay Al-Shabaab ku sheegataya masโuliyadda qaraxa magaalada Marka oo ay sheegtay in lagu beegsaday Guddoomiye Waafow.
Dhinaca kale qarax labaad oo ka dhacaya degmada Afgooye ayaa lagu soo warramayaa inay sidoo kale ku dhinteen ugu yaraan afar qof oo rayid ah.
Magaalada Muqdisha ayaa iyadana qarax ka dhacay la sheegayaa inuu ahaa mid ku qarxay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo diyaarinayey qaraxaas.
