Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sanadguurada 24-aad Ee Puntland oo si weyn loo xusay
    Somalia

    Sanadguurada 24-aad Ee Puntland oo si weyn loo xusay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 1, 2022Updated:August 1, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa ka qeybgalay Xafladda xuska munaasabadda 1-da August, sanad guuradii 24-aad ee Aasaaskii Puntland, taasi oo caawa dhawaale loogu ururiyey dadka Abaartu saameysay.

    Madaxweynaha ayaa hadaljeedintiisa taariikhiga ah caawa, ku muujiyay muhiimada ay leedahay in la xuso maalintii aynu Aasaasanay nidaamkan Dowladnimo oo dadka reer Puntland ku faa’ideen, Soomaaliya oo dhana wax tar u noqday.

    “Hambalyo, waxaan isugu hambalyeeynaynaa 1-da August , oo sanad guuradii 24-aad ee kasoo wareegatay markii Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed la dhisay, sidoo kale waxaan idinku hambalyeeynaya sanadka cusub ee Hijriyada ee Sabtidii dhashay.

    Munaasabadda qaabka aan u xusnay wuu ka duwanyahay sidoo hore, oo waxaa aynu hambalyo kadib Lacag ugu ururineynaa gurmadka aynu u sameynayno dadkeenna Abaartu saameysay, waxaan ku baaqaya in la isu wada taago oo laga wada qeyb qaato gurmadka. ” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

    Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dadka reer Puntland illaashadaan midnimada iyo Dowladnimada, isagoo ku baaqay in loo wada istaago oo laga wada qeyb qaato gurmadka Abaaraha oo Dowladdu hore ugu bilowday $1 Million, waxaana intaasi kadib munaasabadda oo ka duweyneyd Kuwii hore laga sameeyay lacag ururin loogu gurmadayo dadka Abaartu saameysay, Iyadoo qof walbo ka qeyb qaatay.

    Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Ku-xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Qunsulka Dowladda Itoobiya ee Puntland, Goleyaasha Dowladda Puntland, Saraakiisha Ciidamada, Guddiga Abaaraha ee Puntland, Culimaa’udiinka, Qurbojoog, Ganacsato iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

    DHAMMAAD

    XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.