Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gudaha Maraykanka oo weeraro argagixiso looga baqayo
    Somalia

    Gudaha Maraykanka oo weeraro argagixiso looga baqayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 6, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha hay’adda dembi baarista Maraykanka ee FBI, Christopher Wray ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay suurto-galnimada weerar ballaadhan oo la qorsheeyey ama uu dhiirigeliyey ururka al-Qaacida oo laga fuliyo gudaha Maraykanka, ka dib markii uu Maraykanku gudaha Afghanistan ku dilay hoggaamiyihii ururka al-Qaacida Ayman al-Zawahiri.

    Agaasimaha FBI oo u waramayey guddida caddaaladda ee golaha Senate-ka ayaa sheegay in ururka al-Qaacida iyo weliba kooxda ISIS iyo xulafadooduba inay doonayaan inay fuliyaan ama dhiirigeliyaan in la fuliyo weeraro waaweyn oo ka dhaca Maraykanka.

    Agaasimaha FBI ayaa sheegay in xilliga dhow in ururka al-Qaacida, oo haatan hoggaankoodii la dilay, inay u badan tahay inay diiradda saaraan saamaynta ururkoodu ku leeyahay dalalka caalamka iyo inay taageeraan weerarada yaryar ee laga geysanayo Bariga iyo Galbeedka Afrika.

    Agaasimaha FBI ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in ururka al-Qaacida iyo ururka ISIS garabkiisa ka dagaalama Afghanistan, inay fursad u helaan inay dib isu qaabeeyaan, iyaga oo ka faa’iidaysanaya xaaladda ammaan xumo ee haatan ka jirta dalka Afghanistan, arrintaasina ay keento inay abaabulaan weeraro laga geysto gudaha dalka Maraykanka.

    Arrimaha sii kordhinaya walaaca amni ee uu qabo sarkaalkan ayaa ah, iyada oo ay haatan yartahay xogta sirta ah ee ay ka helaan gudaha dalka Afghanistan.

    Ka dib duqayntii lagu dilay hoggaamiyaha ururka al-Qaacida oo ku sugnaa magaalada Kabul, Maraykanka ayaa ku eedeeyey ururka Taliban inay jebiyeen heshiiskii Doha ee ay labada dhinac gaadheen sannadkii 2020, hase ahaatee ururka Taliban ayaa sheegay inaanay ka warqabin in al-Zawahiri uu ku sugnaa magaalada Kabul.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.