Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nin Hubaysan oo weeraray Garoonka diyaaradaha Caasimada Australia
    Somalia

    Nin Hubaysan oo weeraray Garoonka diyaaradaha Caasimada Australia

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 14, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliska Australia,ayaa xiray nin hubaysan oo rasaas oodda uga qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada caasimadda ah ee Canberra , kaasoo sababay in rakaabkii diyaaradaha ay cabsi darteed u kala cararaan.

    Taliska booliska ayaa sheegay in ninkan uu xabado ku riday qaybta laga garo garoonka ee loogu talogalay dadka raacaya diyaaradaha.

    Lama soo tebin cid ay waxyeello kasoo garatay falkan oo dhacay galinkii dmabe ee maanta oo Axad ah.

    Durbadiiba waxaa la qabtay ninkii hubaysnaa, waxaana laga qaaday qoriga uu rasaasta ka ridayay. Balse ilaa hadda lama oga sababta ama ujeeddada uu ka lahaa falkaas.

    Dadka ku sugnaa garoonka diyaaradaha ayaa laga daad gureeyay halkaas, si aysan waxyeello usoo gaarin.

    Warbaahinta Australia ayaa tebisay in ninka hubaysnaa uu riday qiyaastii shan xabadood. Muraayado ay rasaasta daloolisay ayaa markii dambe laga arkayay dhismaha garoonka.

    Muuqaal lasoo geliyay baraha bulshada ayaa laga arkayaa booliska oo ninkaas ku xiraya gudaha garoonka.

    Dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegay in buuq iyo jahwareer badan uu hareeyay goobta, xilli ciidanka amnigana ay dadka kula talinayeen inay cararaan.

    Haweeney ka mid ah goob-joogeyaasha ayaa BBC-da u sheegtay in ay rasaasta ay billaabatay xilli ay boorsooyinkeeda marinaysay qalabka baaritaanka.

    “Qaybta hubinta amniga ayaan joognay waxaana maqalnay dhawaaqa rasaastii ugu horraysay. Dib ayaan eegay waxaana arkay nin wata bastoolad oo meel taagan, waxa uuna usii jeeday dhinaca goobta gawaarida la dhigto,” ayay tiri iyadoo u warramaysay wargayska Sydney Morning Herald.

    Lily Thomson, oo ah wariye ka tirsan Telefishinta ABC, ayaa sheegtay in ay rasaasta maqashay islamarkiina ogaatay in ay wax khaldan yihiin markii ay dadku billaabeen qaylo iyo “orod”.

    “Waxaan arkay ayeeyo cunug yar wadata oo wajigeeda ay cabsi badan ka muuqato, sidaas ayaana ku gartay in wax aad halis u ah ay jireen.

    “Kaddib annagoo dhan waan cararnay, anigana waxaan la joogay ayeeyadaas iyo cunuggeeda, waxaana isku qarinnay miis gadaashiis. Dhowr daqiiqo ayaan halkaas joognay, ilaa ay ciidamada amaanka noo sheegeen in nala kaxaynayo.

    “Dadka oo dhan waxay isku qarinayeen kuraasta gadaashooda, kuwo kalena way ordayeen. Waxay ahayd xaalad argagax leh.” ayay tiri Ms Thomson said.

    Qaar ka tirsan rakaabka ayaa ku xayirmay diyaaradaha xilliga ay booliska la wareegeen goobta si ay amnigeeda u sugaan.

    Duullimaadyada qaarkood ayaa la baajiyay ama waqti kale dib loogu dhigay kaddib markii ay toogashada dhacday.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.