Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Natiijada Doorashadii Kenya oo Dacwad Maxkamada sare ah laysla aadayo
    Somalia

    Natiijada Doorashadii Kenya oo Dacwad Maxkamada sare ah laysla aadayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 19, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha la doortay ee Kenya William Ruto,ayaa sheegay inaan la joogin xilli waqti lagu lumin karo doorashadii dhacday, isla markaana ay sugayaan wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaale, iyadoo murashaxii laga adkaaday ee Raila Odinga uu diyaariyay tartan xagga sharciga ah oo uu ku doonayo inuu kaga hortago guul-darradii ka soo gaartay doorashadii dhacday 9-kii Agoosto.

    Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Ruto yahay madaxweynaha dalkaas, kadib tartan adag oo uu ku doonayay inuu ku hoggaamiyo waddanka ugu qanisan bariga Afrika, balse afar ka mid ah toddobada guddiga doorashada ayaa kasoo horjeestay natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada.

    Odinga ayaa sheegay in go’aankan uu kaga hor imaan doono maxkamadda, isagoo ku tilmaamay natiijada doorashadii dhacday mid ‘waxba kama jiraan ah”

    Si kastaba ha ahaatee, Ruto ayaa sheegay inuu dhisayo maamul uu hoggaamiyo, isaga oo ballan-qaaday in aan qof Kenyaan ah looga reebi doonin siyaasad qaab isir ahaaneed.

    “Runtii waxaan rabaa inaan ogaanno in rajada shacabka Kenya ay tahay mid aad u weyn, ma haysanno raaxo waqti lumis ah,” ayuu yiri Ruto, oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka, kadib markii uu gurigiisa kula kulmay xubnaha lasoo doortay ee ka tirsan isbaheysigiisa.

    Ruto oo ah 55-jir, si toos ah ugama hadlin qorshaha Odinga uu kaga hortagayo guushiisa, balse wuxuu yiri: “Haddii ay jiri doonaan hannaan maxkamadeed, waan ku lug yeelan doonnaa sababtoo ah waxaan u hoggaansanahay sharciga.”

    Kulan gaar ah oo ka dhacay caasimadda Nairobi, ayaa saraakiisha la doortay ee isbahaysiga Odinga waxaa kulankoodu ku saabsanaa sidii ay u jaangooy lahaayeen tillaabada xigta ee ay qaadi karaan oo noqon karta dagaal sharciyeed.

    Odinga kama aanu hadlin xaflada, balse ku xigeenkiisa Martha Karua, wasiirkii hore ee cadaalada ayaa tiri: “Guulsheena waa dib ayaa loo dhigay.”

    Odinga ayaa markii dambe bartiisa twitterka ku soo qoray: “Waxaan ku kalsoonnahay inaan kasoo kaban doonnoo khiyaanadan, oo aan dib u soo ceshan doonno guusheenna waqtiga ku habboon.”

    Odinga, oo 77 jir ah, horena u soo noqday Ra’iisal Wasaare ayaa madaxweyne u tartamay markii shanaad, wuxuuna haystaa illaa Isniinta inuu dacwad u gudbiyo Maxkamadda Sare.

    Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa ku gacan seyray eedeynta afarta xubnoodd oo ka tirsan guddigan oo diiday habka tirinta codadka oo ay sheegeen inuu mugdi ku jiro.

    Maxkamadda sare ayaa sheegtay Arbacadii inay diyaar u tahay inay qabato codsi kasta oo ay diyaargarow ugu jirto haddii ay dhacdo.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.