Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shacabka Deegaanka Somalida Itoobiya oo Magdhow dalbaday
    Somalia

    Shacabka Deegaanka Somalida Itoobiya oo Magdhow dalbaday

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 1, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Itoobiya, ayaa toddobaadkan la gudoonsiiyay shahaado muujinaysa in kayd shidaal oo dhan 7 trillion oo Cubic feet, uu ku jiro gudaha deegaanka Soomaalida ee dalka itoobiya.

    Warkani ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqday dowladda Itoobiya, haddana gaar ahaan ismaamulka gobolka Soomaalida, ee ay ku yaalliin ceelasha shidaalka.

    Arrintani ayaa waxay dadka qaar soo xusuusineysaa dhibaato ay mashruucaasi kala kulmeen markii uu billowga ahaa, muddo haatan laga joogo 50 sano.

    Qaar ka mid ah shacabka deegaannada ay ceelasha shidaalka ku yaaliin, ayaa rumeysan in cudurro iyo xaalado amni-darro ay ka dhaxleen helitaanka shidaalka laga helay deegaannadooda.

    Waxaana in muddo ah ay ka dhur-sugayeen faa’iidada shidaalkaasi, sida magdhaw iyo mashaariicaha hormurainta bulsho, ee ay tahay in ay ka dhaxlaan shidaalka.

    Dowladda Itoobiya sanadki hore, ayaa waxay deegaanka Soomaalida ay ku wareejisay 50 malyan oo birr, oo lacagta wadankaasi ah, oo ay ku sheegtay iney tahay faa’iidada saamiga, ee uu deegaanka ku lahaa shidaalka illaa iyo haatan lasoo saarey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.