Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nigeria oo laga xado Shidaal gaaraya 200-Kun oo Fuusto Maalinkii
    Somalia

    Nigeria oo laga xado Shidaal gaaraya 200-Kun oo Fuusto Maalinkii

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 3, 2022Updated:September 3, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Agaasimaha maamulka ee Shirkadda Shidaalka ee Dalka Nigeria,ayaa Toddobaadkan sheegay in maalin walba dalka Nigeria laga xado shidaal gaadhaya illaa 200,000 oo Foosto, taas oo ay xadaan tuug ku kala fidsan qaybaha kala duwan ee bulshada, hase ahaatee arrintaas ayaa buuqbadan dhalisay.

    Agaasime Mele Kyari ayaa ku eedeeyey Kiniisadaha iyo Masaajidadu inay ka mid yihiin meelaha lagu qariyo shidaalka la xado, hase ahaatee eeddaas waxaa si weyn u diiday masuuliyiinta kiniisadaha iyo culimada masaajidada.

    Agaasimaha oo khudbad ka jeediyey shirka toddobaadlaha ah ee ay yeeshaan golaha wasiirada ee ka dhaca xarunta madaxtooyada ayuu ku sheegay in mid ka mida goobaha shidaalka laga soo saaro oo ku taalla dhinaca badda in laga xaday 95% shidaalkii la soo saaray.

    Sarkalkan u hadlayey shirkadda shidaalka ee dalka Nigeria ayaa tusaale u soo qaatay in mid ka mida dhuumaha shidaalka qaada oo dhererkeedu yahay illaa 200 KM, in laga dalooliyey illaa 295 meelood, si shidaalka loo xado.

    Kyari ayaa sheegay in xatooyada shidaalka ay inta badan geystaan kooxo abaabulan oo mararka qaar la shaqeeya dadka deegaanka. Waxa uu sidoo kale sheegay in culimada, kaniisadaha iyo masaajida ay ku lug lahaayeen xatooyada saliida ceydhiin.

    Kyari ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ay isku dayayeen in ay wax ka qabtaan dhibaatada, balse waxa uu intaa ku daray in xatooyadu ay adag tahay in la joojiyo.

    Agaasimaha,ayaa sheegay inay illaa haatan xidheen ama gacanta ku dhigeen illaa 122 qof oo sharciga la horgeyn doono, 11 markab iyo soddon doonyood oo ah nooca dheereeya oo loo adeegsanayey in lagu xado shidaalka. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay illaa 179 doonyood oo alwaax ka samaysan iyo 37-Gaari oo ah nooca waaweyn.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.