Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ruto oo beri noqon doona Madaxweynaha rasmiga ah ama lumin doona guushii uu hantay
    Somalia

    Ruto oo beri noqon doona Madaxweynaha rasmiga ah ama lumin doona guushii uu hantay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 4, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamada sare ee dalka Kenya,ayaa berri oo Isniin ah goโ€™aan ka gaari doonta in ay taageerto ama ay laasho natiijada lagu muransan yahay ee doorashadii madaxweynaha ee bishii hore ka dhacday dalkaasi, waxaana xukunkaas si weyn looga sugayaa maxkamadda dal ay hore uga dhaceen rabshado la xiriira doorashada madaxweynaha.

    Maxkamaddan oo ka kooban 7-Garsoore,ayaa goโ€™aankeeda soo saari doonta kadib saddex maalmood oo dood afka ah todobaadkii hore ay iskaga horyimaadeen qareennada u doodaya William Ruto iyo Ra’ila Odinga iyo kuwa kale oo difaacayay guddiga doorashada.

    Hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, oo u tartamay doorashadiisii shanaad ee madaxweynaha Kenya, ayaa sheegay in guusha ciriiriga aheyd ee madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ay ka dhalatay wax is-dabamarin baahsan.

    Afar ka mid ah toddobada xubnood ee guddiga doorashada ayaa diiday natiijada uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga doorashada, iyagoo sheegay in tirinta codadka ay tahay mid mugdi ku jiro.

    Maxkamadda Sare ayaa taariikhda Kenya markii ugu horreysay baab’isay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyatta ka gaaray Odinga doorashadii 2017-kii sababo la xiriira ‘khaladaad ka dhacay doorashada’ waxaana Kenyattaa uu markii dambe ku guuleystay doorashadii ku celiska aheyd, taas oo uu mar kale qaaddacay Odinga.

    Ilaa 100 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo la xiriira doorashada sanadkaas.

    Mudaaharaadyo muddo kooban socday ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ay ku badan yihiin taageerayasha Odinga, kadib markii 15-kii Agoosto uu guddoomiyaha guddiga doorashada ku dhawaaqay in Ruto uu ku guuleystay. Balse Odinga ayaa ku boorriyay taageerayaashiisa inay nabadda ilaaliyaan, iyada oo Kenya ay xasilloon ka jirto tan iyo xilligaas.

    Xanaaqa taageereyaasha ayaa inta badan ka kacaya dhinaca online-ka, halkaas oo Odinga iyo xisbiyada Ruto ay isku weeraryaan baraha bulshada, iyada oo qolo kasta ay guul sheeganeyso.

    Odinga oo uu doorashadan ku taageeray madaxweyne Kenyatta oo muddo xileedkiisii dhammaaday ayaa ku eedeeyay kooxaha u shaqeysa Ruto ‘inay jabsadeen qalabka uu isticmaalo guddiga ayna muuqaallo been abuur ah ku beddeleen kuwa dhabta ah oo muujinaya foomamka natiijada goobaha cod bixinta, taasoo kordhisay tirada codadka William Ruto’.

    Odinga iyo afarta xubnood ee ka tirsan guddiga doorashada ee diiday natiijada lagu dhawaaqay ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga Wafula Chebukati inuu ku xad-gudbay sharciga doorashada isagoo si hal dhinac ah u fuliyay tirinta codadka oo uu ku dhawaaqay natiijada.

    Tirada codadka ee rasmiga ah ayaa muujinaya in Ruto uu helay 50.49%, taas oo ku filan in uu ka baaqsado wareeg labaad ee doorasho ku celiska ah.

    Ruto iyo Chebukati ayaa diiday dhammaan eedeymahaas, waxaana kooxda qareennada ee Ruto ku gacan seyrayn sheegashada Odinga iyagoo ku tilmaamay xeelad โ€œaan lahayn cadeymo la taaban karo.”

    Go’aanka maxkamadda oo noqon doona mid kama dambeys ah ayaa haddii ay baabi’iso natiijada waxay noqon doontaa in muddo 60 maalmood ah lagu qabto doorasho cusub.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.