Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Booliska Canada oo weli daba jooga Ninkii Toorayda Dadka ku laayay
    Somalia

    Booliska Canada oo weli daba jooga Ninkii Toorayda Dadka ku laayay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Guddiga Canada u qaabilsan sii deynta maxaabiista ayaa dib u eegis ku samayn doona go’aan xabsiga looga sii daayay mid kamid ah ragga la tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarkii toorida loo adeegsaday ee ka dhacay gobolka Saskatchewan.

    Warqadaha lagu sii daayay Myles Sanderson oo 32 jir ah ayaa muujinaya in horay uu u galay dembiyo, isla markaana 59 jeer ay maxkamado ku heleen dacwooyin loo jeediyay.

    Waxaa xabsiga laga sii daayay bishii February isagoo gudanayay xukun afar sano ah.

    “Waxaan rabaa inaan ogaado sababaha lagu saleeyay go’aanka lagu sii daayay ninkaas. Aad baan uga walaacsanahay waxa halkan ka dhacay,” ayuu yiri wasiirka badqabka dadweynaha Marco Mendicino.

    Weerarka toorida loo adeegsaday oo dhacay Axadii ayaa waxaa ku dhintay 10 qof, halka 18 kale ay ku dhaawacmeen. Laamaha ammaanka ayaa ku raad-jooga Myles Sanderson.

    Qaar kamid ah ehelada dadka la laayay oo warbaahinta la hadlay Arbacadii ayaa sheegay inay aad uga naxeen weerarkaas gilgilay shacabka Canada.

    Maalmo kadib weerarkaas toorayda loo adeegsaday, shacabka Canada ayaa is weydiinaya su’aalo dhowr ah.

    Ma cadda in Myles Sanderson uu keligii weerarkaas maleegay mise in cid kale ay ku gacan siisay. Booliska ayaa sheegay inay rumaysan yihiin in qaar kamid dadka la laayay ay ahaayeen bartilmaameed, balse ma aanay bixin faahfaahin dheeraad ah.

    Farriin lagu diray telefoonnada gacanta ayaa Arbacadii u dhacday dadka ku nool magaalada Wakaw, iyagoo loogu baaqay inay ka dhuuntaan qof la sheegay inuu ku hubaysan yahay toori oo gaari ku wato deegaankaas.

    Digniin noocaas ah oo maalin ka hor soo baxday ayaa noqotay mid been ah.

    Warqadaha lagu sii daayay Myles Sanderson ayaa muujinaya in sanado badan uu ahaa dembiile, iyadoo yaraantiisa uu dhibaato badan kala kulmay waalidkiis.

    Booliska Saskatoon ayaa sheegay in Myles Sanderson ay ku daba jireen tan iyo bishii May, markaas oo uu joojiyay la kulanka qof u xilsaarnaa kiiskiisa iyo dhaqancelintiisa. Waxa ay xilligaas ku tilmaameen nin sharciga ka baxsaday.

    Waxaa sidoo kale la sheegay inuu marar hore oo la sii daayay uu maray barnaamijka dhaqan celinta dembiilayaasha, isla markaana uu muddo ahaa nin toosan oo shaqeysta.

    Myles Sanderson ayaa hadda loo haystaa dacwad ah inuu geystay dilal badan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.