Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa kala socotaa Musuqa ka taagan W.Waxbarashada Puntland?
    Somalia

    Maxaa kala socotaa Musuqa ka taagan W.Waxbarashada Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 11, 2022Updated:September 11, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dabagal aan ku sameeyay,waxaan si dhab ah u xaqiiqsaday musuqa ka taagan Wasaarada Waxbarashada Puntland in uu ka bilowdo kuna dhamaado Wasiirka.

    Tusaale”

    Lacagta laga qaado Ardayda markay Dugsiga sare dhameeyaan ee loo helo Waxbarasho Deeq dibada ah waxay kala tahay sida tan…

    1.Masar 650$
    2.Itoobiya 450$

    Ardayda loo diro Deeqaha Waxbarasho isku cel-celis ahaan,waxay dhan yihiin 500…

    400×450$=18000$..Itoobiya.

    100×650$=65000$…Masar.

    20×450$=9000$……..Sudan.

    Lacagtaas,waxaa lagu shubaa Acount lagu magacaabo Deeqaha oo tirsigiisu yahay 1985.

    Wasiirka,ayaa maamusha si gaar ah,waana diiday in lala ogaado oo uu soo bandhigo.

    Arinkaas markaan Wasiirka kala xirriray waa isiin waayay jawaabo hufan oo isberi yeelid ah.

    Tusaale kale”

    Sixida Imtixaanaadka waxay Wasaaradu ka qaadaa Waaridiinta Lacag dhan 20$ calaa Arday.

    Wadarta Guud ee Ardayda Imtixaanaadka ufariisata,waxay ku dhowdahay 15000…

    15000×20=300,000$.

    150 Arday oo gaar ah,waxaa ka bixiya hay’ado caalami ah Lacagta Imtixaanaadka.

    Fasalada 12-aad,waxaa udheer 10$ Lacagta Imtixaanaadka.

    Wasaarada Maaliyaduna waxay ku kabtaa 245$-kun

    Lacagtaas hadii si saxa loo maamulo waxay ka badan tahay sixida Imtixaanaadka.

    Qaybta Imtixaanaadka ee Wasaarada waa qaybta ugu hufan Wasaarada oo ay Gacanta ku hayaan Dad nadiif ah,balse Wasiirka,ayaa caqabad ku ah oo maamusha dhaqaalaha.

    Markaan Wasiirka kala xiriiray arinkana waa ishufi waayay.

    Tusaale 3-Aad”

    Daabaacaada Manhajka waxay Wasaaradu leedahay Madbacad iyo Dad loo tababaray kaliya waxay ubaahan tahay in dib udayactir lagu sameeyo Mashiinada,waxaana diyaar la ah hay’adaha Unicef iyo Care oo markaan la xiriiray ii xaqiijiyay in ay uhayaan Lacag gaaraysa 1-Milyan$.

    Xataa hadii la waayo taageerada hay’adaha,waxaa ka badan Madbacada dib udayactirkeeda Lacagta 1$ Milyan ee Dowladu ku kabtay diyaarinta Manhajka.

    Si ku talgal ah,ayuu Wasiirku ufariisiyay Madbacada,waxuuna daabacaadii siiyay Laba Shirkadood oo midna laga leeyahay Xamar midna Puntland.

    Majirto cid la og Wasiirka heshiiska uu la galay Shirkadahaas oo ka mid ah Wasaarada.

    Hadafka uu ka leeyahay ucuryaaminta Madbacada waa in uu dhaqaale ka sameeyo Daaabacaada Manhajka oo culayska la saaro Waaridiinta.

    Arinkaas Manhajka si la mid ah kuwa kale Wasiirku wax la taaban karo waa iiga bayaanin waayay eedaha loo soo jeediyay.

    Madaxweyne Deni wax badan,ayuu ka og yahay Wasiirka iyo musuqiisa,waxaase ka hor taagan oo meesha ku ilaalsada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka hela dhaqaale joogta ah.

    Wasaarada Waxbarashada,waxaa hoos yimaada Arday ka badan 200-kun,Waaridiintooda iyo Macalimiin.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.